Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wajiga Labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo ka furmay Jowhar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wajiga Labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo ka furmay Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wajiga Labaad ee shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelle ayaa ka furmay magaalada Jowhar kaasoo lagu ansixinayo dastuurka uu yeelandoono maamulkaasi.

Furitaanka shirkan oo ay ka qeyb galeen ergooyin ku dhow 300 laguna ansixinayo dastuurka dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa waxa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Dr Yahye Cali Ibraahim, Gudiga fududeeynta shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, mas’uuliyiin ka socotay maamullada Hiiraan iyo Sh/dhexe, urur goboleedka IGAD iyo waxgaradka labada gobol.

Related posts

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

March 16, 2026
Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

March 16, 2026

Gudoomiyaha Gudiga Fududeenta Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe Ciise Samow ayaa u mahad celiyay salaadiinta dhaqanka iyo dadka labada gobol oo in muda ah u dhabar adeegay inay dhistaan maamul aayahooda ka shaqeeya.

‘’ Waxaan ku faraxsanahay in maanta la soo gaaray wajiyadii u dambeeyay ee shirka oo aan xareynayno ergadii ka doodeysay dastuurka dowlad goboleedka dhamaan intii u dhabar adeegtay duubabka dhaqanka iyo ergooyinka waan u mahadcelinaya”  Ayuu yiri Gudoomiye Samoow

Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Sh-dhexe ahna  Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka oo marti galinaya shirkan iyo Gudoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Macalin Qalaafoow ayaa sida wadajir ah u bogaadiyay furitaanka wajiga labaad ee shirka iyo ku guuleysiga xareeynta ergada ee wasaaradda arimaha Gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya.

Suldaan Axmed Rashiid Shiiq Shuceyb iyo Nabadoon Maxamuud Xalane oo ku hadlay afka waxgaradka labada gobol ayaa wadajir u sheegay in dadka labada gobol ay ka go’antahay inay helaan maamul ka shaqeeya aayahooda.

Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka Dr Yaxye Cali Ibraahim oo furay wajiga labaad ee shirkan ayaa sheegay in ergada ay ka sugayaan in mudo kooban ay ku ansixiyaan qabya qoraal dastuurka labada gobol.

‘’ Ergooyinka shirka oo aan u talagalnay ilaa 300 waxaa maanta nala jooga 250  inta kalena waa ay ku soo biiraysaa insha allah howlaha horyaalo waxa ka mid ah doodista iyo ansixinta dastuurka dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe  markaasi kadib waxaan guda gali doonaa wajiga sedexaad ee soo xulista xildhibaanada Barlamaanka waxaana noo xigi doonto doorashada Gudoonka Barlamaanka iiyo Madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxaan rajaynaynaa in ugu dambeyn 15 bisha soo aadan ee oktoobar in labada gobol ay yeeshaan Barlamaan iyo Madaxweyne” ayuu yiri xoghayaha joograda ah ee wasaarada arimaha gudaha iyo federal Prof. Yaxye’’

Shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh-dhexe ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu furay 12 Janaayo ee horaantii sanadkankan waxaaana haatan uu soo gaaray heer gabagabo  ah todobaadyo guduhoodna waxa la filaya inuu soo idlaado.

Cabdishakuur Cali Axmed Jowhar

Previous Post

Horjoogayaal ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay duqeyn

Next Post

Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda F. S.

Next Post
Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda F. S.

Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo kulamo la qaatay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda F. S.

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

March 16, 2026
0

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka howlgala caasimadda dalka, ayaa ka...

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

March 16, 2026
0

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa la filayaa in goordhow lagu...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

March 16, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Ciid-siin iyo taakuleyn gaarsiiyay Dugsiga Agoonta...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In