Allaha u naxariirtee Wariye Axmed Xasan Colaad oo ka mid ahaa wariyaasha ka howgala Magaalada Muqdisho kana tirsanay shaqaalaha laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Ehelada Marxuumka ayaa sheegay in Axmed Xasan Colaad uu maalmihii dambe ku xaniinsanayay magaalada Muqdisho, waxaa uu ku geeriyooday Isbital kuyaala Degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho abaaro sideedii saac ee saqdii dhexe ee xalay.
Allaha u naxariirtee Axmed Xasan Colaad ayaa ifka ugu tagay 4 caruur ah laba wiil iyo laba gabdhood, maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho.
Axmed Allaha u raxmadee waxaa waxii ugu dambeyey ee Idaacadan uu soo direy ay aheyd Barnaamijka Faaqidaadda Todbaadka ee Jimcadii.
Marxuumka ayaa VOA lasoo shaqeeyey muddadii Laantani Afka Soomaliga ay soo jirtey oo uu wariye uga soo ahaa magaalada Muqdisho.