Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaarada Cadaaladda X.F.S. oo xaflad dhiirigelin ah u qabatay dhalinyaro baraneysa sharciga+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasaarada Cadaaladda X.F.S. oo xaflad dhiirigelin ah u qabatay dhalinyaro baraneysa sharciga+Sawirro

?

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad loogu magacdaray Dhiirrigelinta Ubaxa Caddaaladda iyo sare u qaadista barashada caddaalada ayaa wasaaradda Cadaaladda ee X.F.S. waxey u qabatay arday gaareysa Siddeetan oo waxbarasho lacag la’aan ah oo dhinaca sharciga ah ay wasaaraddu ka siisay jaamacadda Muqdisho iyo tan Puntland.

Xafladdaasi dhiirrigelinta ah waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaaraddaasi, wasiir ku xigeenka, xoghayaha joogtada ah, ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ahna ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud, aqoon yahanno ku xeeldheer dhinaca sharciga iyo martisharaf kala duwan.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda X.F.S. Ismaaciil Jimcaale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu ay ahmiyad gaar ah siineyso sare u qaadista tayada aqoonta ardaydaasi, isagoo tilmaamay in wasaaraddu ku guuleeysatay suurtagelinta in arday gaareysa Siddeetan ay waxbarasho bilaash ah ka siiso jaamacadda Muqdisho iyo tan Puntland.

Dr. Shariif Ismaan iyo Dr. Saalin oo ah aqoonyahanno dhinaca sharciga ah ayaa si isku mid ah wasaaradda ugu amaanay dadaalka ay ku soo saareyso jiil cusub oo soo barta shirciga si loo horumariyo nidaamka garsoorka dalka.

Ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ahna ku xigeenka xeer ilaaliyaha Dr. Muuse ayaa wasaaradda Cadaaladda ku amaanay qorshaha ay waxbarasho bilaash ah ku siineeyso ardaydaasi Soomaaliyeed, wuxuuna ku dhiirrigeliyay ardaydaasi in ay ka faa’iideystaan fursaddaasi qaaliga ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Dr. Ciise Wehliye Maalin oo isna halkaasi ka hadlay ayaasheegay in wasaraddu ay mudnaanta siineyso soo saaridda dhallinyaro soo baratay sharciga iyo qaanuunka si loo horumariyo hannaanka garsoorka dalka.

Wasiirka wasaaraddaasi Avv. Xasan Xuseen Xaaji oo munaasabaddaasi soo xiray ayaa sheegay in wasaaraddu ay dib u habeyn ku sameyneeyso shuruucda garsoorka dalka, wuxuuna intaasi raaciyay in wasaaraddu qorsheyneyso furidda machad lagu tababaro Qareennada iyo xeer ilaaliyayaasha si loo tayeeyo garsoorayaasha maxkamadaha dalka.

Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshaha wasaaradda Cadaadaladda ee X.F.S. ay ku horumarineyso hannaanka garsoorka dalka.

?
?

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay kaalinta culumada iyo dhallinyarada ay ka qaadanayaan dib u heshiisiinta Galmudug

Next Post

Dowladda Ethiopia oo xabsiga ka sii deysay hogaamiye mucaarad ah

Next Post
Dowladda Ethiopia oo xabsiga ka sii deysay hogaamiye mucaarad ah

Dowladda Ethiopia oo xabsiga ka sii deysay hogaamiye mucaarad ah

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In