Tuesday, January 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaarada Tamarta oo daah furtay shir looga hadlayo siyaasadda faya dhowrka biyaha dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaarada Tamarta oo daah furtay shir looga hadlayo siyaasadda faya dhowrka biyaha dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta daah furtay dib u eegis lagu sameynayo siyaasadda istaraatiijiyadda iyo qorshaha faya dhowrka biyaha Soomaaliya, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka kala socday Wasaaradda Tamarta ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasaaradaha Tamarta ee dowlad Goboleedka dalka ka jira ayaa looga hadlayaa in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda iyo faya dhowrka biyaha.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hadashay duulaanka Isra’iil ee Madax banaanideena

January 6, 2026
Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

January 6, 2026

Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta Eng, Cali Maxamuud Xersi ayaa sheegay in siyaasadda biyaha ay aad iyo aad muhiim ugu tahay dalka, gaar ahaan habka dhaqan dhaqaale iyo horumarka dalka, isla markaana la isla meel dhigo qorshihii lagu dhaqan gelin lahaa arrimahaasi

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed oo shirka daah furay ayaa ka qeyb galayaasha ka dalbaday inay si adag uga doodaan hannaanka loo wajahayo in siyaasad laga yeesho biyaha, iyadoo laga tixraacayo kii hore ee ay diyaarisay Wasaaradda.

“Barnaamijkan waxa uu socon doono muddo labo cisho ah, labadaas cisho waxaan rabnaa in wax badan laga eego siyaasadda oo markii hore ku qorneyd luuqad Qalaad, haatanna lagu soo turjumay Afka Hooyo, maanta waxaanu eegeynaa inay sax tahay oo ay is waafaqsanyihiin kii hore ee ay Wasaaraddu diyaarisay,  dadka ehelka u ah ayaa ka soo qeyb galay shirka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa intii u dhexeysay sanadkii 2016-2017 ka soo diyaarisay siyaasadda iyo faya dhowrka biyaha oo ku qornaa afka Qalaad, kaasi oo haatan lagu sameynayo dib u eegis maadaama lagu turjumay afka Hooyo, waxaana la filayaa in marka uu soo dhamaado loo gudbin doono Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan kula qaatay Jowhar James Swan“SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan kula qaatay Jowhar James Swan“SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan kula qaatay Jowhar James Swan“SAWIRRO”

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hadashay duulaanka Isra’iil ee Madax banaanideena

January 6, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa duullaankii qaawanaa ee Wasiirka...

Large Turkish Delegation Arrives in Mogadishu to Strengthen Bilateral Cooperation

Large Turkish Delegation Arrives in Mogadishu to Strengthen Bilateral Cooperation

January 6, 2026
0

A large delegation from the Turkish government arrived in Mogadishu today to strengthen bilateral cooperation between Turkey and Somalia. The...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Somalia Condemns Israeli FM’s Visit to Hargeisa

January 6, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia condemns in the strongest terms the...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

January 6, 2026
0

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Wafdigan waxaa horkacayay Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In