Tuesday, February 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradaha Kalluumeysiga iyo Gaadiidka badda oo xusay maalinta Caalamiga ah ee Baddaha Adduunka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradaha Kalluumeysiga iyo Gaadiidka badda oo xusay maalinta Caalamiga ah ee Baddaha Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda lagu xusayay maalinta Badaha Adduunka oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaraddaha Kheyraadka Badda iyo Gaadiidka badda ayaa waxaa ka qeybgalay ururada iskaashatooyinka, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya iyo  mas’uuliyiin ka socotay xafiiska Ra’isul Wasaaraha dalka.

Related posts

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya Mudane Maxamuud Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay in xuska maalinta badaha Adduunka ay muhiimad gaar ah u leedahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in si wada jir ah looga faa’iideysto kheyraadka badda ku jiro, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika.

Taliyaha Ciidanka booliiska ee Ilaalada Xeebaha dalka Gaashaanle dhexe Maxamed Sheekh Cabdiwahaab ayaa bulshada Soomaaliyeed u sheegay in qof walba ay mas’uuliyad ka saarantahay ilaalinta Nadaafadda Badda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Xasan ayaa dhankiisa tilmaamay in loo baahanyahay in la wada fahmo kheyraadka ku jira badda iyo sida looga faa’iideysan karo, ayna diyaar u yihiin dhiiri gelinta kalluumeysata dalka.

Wasiirka Wasaaradda Kallkuumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame oo soo xiray munaasabadda lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Badaha Adduunka, isla markaana si gaar ah ula hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu meel gabagabo ah marayo sharciga looga hortagayo kalluumeysiga sharci darrada ah, mustaqbalka dhawna gudaha dalka lagu maxkamadeyn doono ciddii sharciga jebisa .

Previous Post

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday Boqortooyada Sacuudiga “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris oo la kulmaaysa Madaxweyanaha dalka Mexico

Next Post
Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris oo la kulmaaysa Madaxweyanaha dalka Mexico

Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris oo la kulmaaysa Madaxweyanaha dalka Mexico

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo diirran u diraysaa Boqor Hassanal Bolkiah, Dowladda iyo shacabka Brunei Darussalam munaasabadda Maalintooda Qaranka. Soomaaliya...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Somalia Congratulates Brunei on National Day

February 23, 2026
0

The Federal Republic of Somalia extends its warmest congratulations to His Majesty Sultan Haji Hassanal Bolkiah, the Government, and the...

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

February 23, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdiqaadir Cilmi ayaa guddoomiyay kulan la xiriira arrimaha adeegyada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In