Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS oo Garoowe ka furtay tababar-Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS oo Garoowe ka furtay tababar-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ka furtay Tababarka Tababarayaasha ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka.

Tababarka ayaa waxaa si wadajir ah u wadaqabanaya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland, tababarka oo ay qaadan doonaan xubno ka tirsan Dawlad Goboleedka Puntland iyo Bulshada Rayidka ayaa wuxuu socon doonaa afar maalin.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Xubno kamid ah Bulshada Rayidka Puntland ayaa maanta qaadanaya tababarka looga gonleeyahay in lagu daadejiyo dib-u-eegista Dastuurka, dhamaan qaybaha bulshada oo ka soo qaybgalay tababarka maanta ayaa lagula dardaarmay inay tababarka sii gaarsiiyaan dhamaan deegaanada Dawlad Goboleedka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr isagoo uga mahadceliyay Bulshada Rayidka Puntland sida baaxadda leh ee ay tababarka uga soo qeybgaleen.

Dhinaca kale, waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Puntland iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Dallada ay ku mideysanyihiin Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA, waxayna si wadajir ah u ballanqaadeen in tababarkan ay gaarsiin doonaan dhamaan deegaanada Puntland.

Ugu dambayn, tababarkan ayaa ah mid noociisa ay Wasaaradda horay ugu soo qabatay qaar kamid ah caasimadaha Dowlad Goboleedyada waana mid dadka Soomaaliyeed loogu diyaarinayo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo Kormeeray Dugsiga Tababarka Janaraal Gordon.”Sawirro”

Next Post

M/Mulka Gobolka Banaadir, Golaha Wasiirrada XFS iyo Hay’adaha Amniga oo ka wada hadlay Amniga Caasimadda

Next Post
M/Mulka Gobolka Banaadir, Golaha Wasiirrada XFS iyo Hay’adaha Amniga oo ka wada hadlay Amniga Caasimadda

M/Mulka Gobolka Banaadir, Golaha Wasiirrada XFS iyo Hay’adaha Amniga oo ka wada hadlay Amniga Caasimadda

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In