Afhayeenka Wasaaradda gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Gen Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey howlgalada ka socda gobolada dalka, waxaana uu sheegay in jab xooggan lagu gaarsiiyey deegaanka ay kaga sugan yihiin Galmudug iyo Hirshabeelle kooxda Khawaariijta.
Generaal Caanood ayaa sheegay in Ciidamda Qaranka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay laba jibaareen howlagada lagu baacsanayo kooxda dhiigmiiratada ah, isaga oo intaa ku daray in ciidamada CXD ay ku burburiyeen fariiimo iyo meelihii gabaadka u ahaa deegaanada laga xorreeyey.
Dhanka kale Cabdullaahi Cali Caanod Afhayeenka Wasaaradda gaashaandhig ayaa Warbaahinta qaranka ayaa u sheegay in howlada ay hor-jooga u yihiin Xildhabaanada heer fedaraal iyo heer Maamul ay ku dhawyihiin in dhawaan lagu soo afjaro Khawaarijta.
Waxaa kale oo uu sheegay Gen Caanood in hadda uu dhexdooda uu kala shaki ka dhashay Khawaariijta.
Sidoo kale waxaa uu amray Saakiisha hogaamineysa Ciidamada Qaranka ee ku sugan goobaha lagala wareegay Khawaariijta in ay shaqsiyaadka isa soo dhiiba ay ku wareejiyaan Hay’addaha Dambi barista iyo haya’addaha kale ee ku shaqada leh.