Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo ku howlan dib u dhiska xeryaha iyo awoodsiinta ciidanka

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo ku howlan dib u dhiska xeryaha iyo awoodsiinta ciidanka

Ali Ahmed by Ali Ahmed
12 months ago
in Wararka
0
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo ku howlan dib u dhiska xeryaha iyo awoodsiinta ciidanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo gacan ka helaya hey’adaha maalgalinta ee ururkaasi ayaa ku howlan dib u dhiska xeryaha ciidamada qaranka iyo awoodsiinta qeybaha ciidanka dalka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi iyo xubno ka socday Midowga Yurub ayaa ka qeyb galay xaflad loo sameeyay dhamaystirka dayactirka iyo dib u habeynta Xerada tababarka ee General Dhagabadan.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wakiillo ka socday UNOPS, iyo wafdi ka socda Midowga Yurub iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, waxaa sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga lagu wareejiyay gaadiid iyo agab ciidan, kuwaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo tababarrada Ciidanka Xoogga Dalka.

Mashruucyada la xiriira dib u dhiska xeryaha dowladda ayaa qayb ka ah dadaallo joogto ah oo la doonayo in lagu tayeeyo xirfadaha iyo awoodda ciidamada qaranka.

Barnaamijyadaan waxaa mudada ay socdaan maalgalinaya mashruuca taageerada SNA 3 ee Sanduuqa Nabadda ee Midowga Yurub (EPF).

Previous Post

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

Next Post

Muqdisho oo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo lagu taageeraayo xildhibaanada cusub

Next Post
Muqdisho oo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo lagu taageeraayo xildhibaanada cusub

Muqdisho oo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo lagu taageeraayo xildhibaanada cusub

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In