Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Ganacsiga oo qabatay shir lagu horumarinayo Ganacsiga Dalka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Ganacsiga oo qabatay shir lagu horumarinayo Ganacsiga Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay shirka wada hadalka Dowladda iyo Ganacsiga gaarka ee Soomaaliya

Shirkan oo u jeedkiisu ahaa wada-hadalka dawladda iyo ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya isla-markaana si gaara u taabanayay siyaasadaha la xiriira Ganacsiga, Ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhaxe iyo Warshadaha, ayaa waxa soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adda DAI sidoo kalena uu taageerayey Midwoga Yurub.

Related posts

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026

Shirkan, oo ay kasoo qeyb-galeen Madaxda Wasaaradda, Ganacsatada, Ma’uuliyiin ka kala socda hay’adaha Dawladda iyo marti-sharaf kale, ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdicasiis Ibraahim Aadan, wuxuuna xusay Inuu hadafka shirkan yahay sidii loo dar-dar-galin lahaa isfahamka ka dhaxeeya Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed si loo horumariyo Ganacsiga dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheryraadka Badda XFS Mudane Maxamuud iyo Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Cabdirixmaan Galaambi oo iyagu halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Wada hadalka Dowladda iyo ganacsatada uu fure u yahay sare u qaadida iyo Horumarinta Ganacsiga dalka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabduqaadir Shariif Shiikhuna Maye oo ugu dambayn shirka furay ayaa xusay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay dib u habeynta ganacsiga Soomaaliyeed oo ay Wasaaraddu waday mudooyinkii dambe, waxaana uu carabka ku dhuftay in ujeedkiisu yahay ganacsiga Soomaaliya la lee dahay qaaradda Afrika isla-mar-ahaantaana loogga qeyb-qaadan lahaa dedaalada socda ee is-dhex-galka dhaqaale iyo weli ba Aaga Ganacsiga Xorta ee Afrika.

Previous Post

Tababar socon doono muddo Seddex maalin ah oo Muqdisho laga furay

Next Post

Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga

Next Post
Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga

Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday xarunta Qaybta 3aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo miino baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey

SNAF Clears IED in Gololey

April 6, 2026
0

The Somali National Armed Forces (SNAF) conducted a mine clearance operation today in the Gololey area, located in Balcad town...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In