Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qoyska XFS oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 months ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qoyska XFS  oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay bogaadinaysaa doorashada gudoonka Guddiga ee ay maanta Sameeyeen xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka. Guushan waxay ka dhalatay dadaal joogto ah oo ay Wasaaraddu ku bixinaysay dhammaystirka hay’adaha aas-aaska u ah ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxda Wasaaradda, oo ay ugu horreyso Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo diirran u diray hoggaanka cusub ee ay maanta doorteen xubnaha guddiga. Hoggaankaas ayaa kala ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan Qasim Ahmed, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maxamed Haruun Biixi, iyo Xoghayaha Guddiga Fadumo Cabdiqani Yuusuf. Wasaaraddu waxay kalsooni buuxda ku qabtaa in hoggaankan cusub uu door muuqda ka qaadan doono dhowrista caddaaladda, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo sarreynta sharciga dalka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Iyadoo ka hadlaysa muhiimadda ay leedahay dhammaystirka hoggaanka guddigan, Wasiir Amb. Khadija Mohamed Al-Makhzoumi waxay tiri:

“Waxaan ku faraxsannahay in maanta ay Soomaaliya u tahay maalin taariikhi ah, maadaama la dhammaystiray tiirarkii muhiimka u ahaa dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kuwaas oo maanta si rasmi ah u bilaabaya gudashada waajibaadkooda.”

Dhammaystirka hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka wuxuu muujinayaa go’aanka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta caddaaladda, xoojinta hay’adaha dowliga ah, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso guddiga, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee la xiriira dhowrista karaamada iyo xuquuqda qofka bini’aadamka ah.

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka socday NIS Foundation

Next Post

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

Next Post
Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In