Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Daa’uud “Garsoor hufan oo caddaalad ah waa aas-aaska dib u yegleelida dowlad Soomaaliyeed oo awood leh”.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
3 years ago
in Wararka
0
Wasiir Daa’uud “Garsoor hufan oo caddaalad ah waa aas-aaska dib u yegleelida dowlad Soomaaliyeed oo awood leh”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda Warfaafinfa, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka xog-waramay qodobadda looga hadlayo shirka 4-aad ee golaha wadatashiga qaranka oo maalintii labaad ka socda Muqdisho.

Shirkan ayaa Madaxdu waxay ku odorasayaan federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Related posts

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

February 20, 2026
Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ay iska xog-wareysan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xorreeyeen deeganno badan oo ay horrey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed.

“xorreynta dalka ee khawaarijta looga xorreynayo waa arrin heer qaran ah, kuma koobna deeggaan iyo gobolka gaar ah, waa arrin ay ka wada mideysan yihiin madaxda dowladda dhexe iyo madaxda dowlad goboleedyadda, waxaana taasi marqaati u ah in shirkii ugu dambeeyay ee golaha wadatashiga qaranka ee muqdisho lagu qabtay in bayaankii laga soo saaray lagu sheegay in dagaalka ka dhanka khawaarijta ee dalka looga xorreynayo uu yahay mid waajib ah oo ay ka wada qeyb qaadanayaan dowlad goboleedyadda iyo dowladda dhexe, shacabkuna qeyb ka yahay” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Qodobadda kale ee ugu waa weyn ee looga doodayo shirka 4-aad ee golaha wadatashiga qaranka waxaa kamid ah Garsoorka oo ah qodob marsii ah. waana go’aan la rabo in ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay talo ku yeeshaan, “halku-dhigga madaxweynaha ayaa Soomaali heshiis ah dunida heshiis la ah tas ayaana keenaysa in laga wada dodo qodobadda masiirigga ee u baahan in laga wada qaado go’aan loo dhan yahay” ayuu wasiirka warfaafinta ee XfS Daa’uud Aweys Jaamac.

Previous Post

Japan oo agab difaac geyneysa Jasiirad u dhow Taiwan.

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cabdinaasir

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cabdinaasir

Wasiirka Warfaafinta oo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cabdinaasir

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

February 20, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka...

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan miro-dhal ah la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In