Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Diini “Marxuum  Cali Samatar Wuxuu ahaa Hoggaamiye kaalin weyn ka soo qaatay Dhismaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed”.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka difaaca oo booqday degmada Garbahaarreey ee gobolka Gedo-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Muqdisho, August 20, 2016…..Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini  ayaa dhambaal tacsi ah u direy qoyska, ehelka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistii S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka, wuxuna Wasiirku ku tilmaamay marxuumka hoggaamiye door weyn ka soo qaatay dhismaha Ciidanka qalabka sida.

Wasiirku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Soomaaliyeed ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

“Inna Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun… Allah u naxariisto marxuum S/guud Maxamed Cali Samatar. Wuxuu  ahaa muwaadin naftiisa iyo waqtigiisa u huray inuu u shaqeeyo ummaddiisa, gaar ahaan waxaan ku xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa dhismaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo kamid ahaa muwaadiniintii waqtigooda galiyey Soomaaliya in ay yeelato Ciidan leh awood iyo karti, difaaci karana dalkooda hooyo. Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu Naxariistii Jannatul Fardowsa ka Waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii uu ka tegeyna Samir iyo iimaan ka siiyo.”ayuu yiri Wasiir Diini.

—DHAMMAAD—-

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka Tacsiyeeyey geerida Marxuum Cali Samatar.

Next Post

Jaamacadda Umadda oo soo bandhigtay Fursado Shaqo Halkaan ka Aqriso

Next Post
Jaamacadda Umadda oo soo bandhigtay Fursado Shaqo Halkaan ka Aqriso

Jaamacadda Umadda oo soo bandhigtay Fursado Shaqo Halkaan ka Aqriso

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In