Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Wasiirka  Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Mudane Aadan Warsame Cilmi (Deeq Gargareeto) ayaa maanta booqasho iyo kormeer shaqo ku tagay saldhigga Booliska degmada Gaalkacyo, halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan saldhigga. Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay taliyaha saldhigga iyo saraakiisha kale ee booliiska oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda amniga degmada iyo howlaha ciidanku wadaan.

Intaas kadib, Wasiirka amniga ayaa booqday taliska qeybta Booliska gobolka Mudug, halkaas oo uu kulan kula yeeshay saraakiisha hoggaanka u haya howlaha booliiska gobolka. Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyay saraakiisha iyo ciidamada in ay sii laba-laabaan dadaallada ay ugu jiraan sugidda nabadda iyo xasilloonida, isagoo carrabka ku adkeeyay in amniga gobolka Mudug uu muhiim u yahay guud ahaan Galmudug.

Related posts

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026

Wasiirka amniga ayaa tilmaamay in booqashadan ay qayb ka tahay kormeer joogto ah oo lagu qiimeynayo xaaladda amniga degmooyinka iyo sida ciidamada booliisku uga jawaabaan baahiyaha amni ee bulshada.

Saraakiisha uu la kulmay ayaa dhankooda ballan qaaday inay sii wadi doonaan shaqada adag ee ay u hayaan shacabka, iyagoo muujiyay diyaar-garow buuxa oo lagu ilaalinayo xasilloonida gobolka.

Previous Post

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay wada-tashi la xiriira hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyihii hore ee NISA

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyihii hore ee NISA

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyihii hore ee NISA

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In