Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ayaa ka warbixiyay khasaaraha maalmihii Khawaarijta lagu gaarsiiyay soohdinta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan

Idman Yahye by Idman Yahye
10 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ayaa ka warbixiyay khasaaraha maalmihii Khawaarijta lagu gaarsiiyay soohdinta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa ka warbixiyay khasaaraha maalmihii Khawaarijta lagu gaarsiiyay soohdinta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan,halkaas oo looga laayay Khawaarijta in ka badan kun iyo shan boqol dagaalameyal oo isugun jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dagaallada ugu dambeeyay ee lagu qaaaday kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, lagu gaadhsiiyay jab xooggan, isla markaasina ay ku jiraan xaalad halis ah iyagoo sidoo kale kala firxaday kadiba markii loogu daadatay godadkii ay ku dhuumaaleysan jireen.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Ciidamada Qaranka oo kaashanaya kuwa deegaanka, ayaa uu sheegay inay ka dambeeyeen guushaas, iyadoona dagaalkuna uu ahaan doono mid sii socon doona, illaa laga cidhibtirayo argagixasada meelaha kooban ee ay kaga sugan yihiin gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Wasiirka iyo saraakiil sare oo uu hoggaaminayo ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ay ku sugnaayeen soohdimaha labada gobol, si dardargelin hor leh loogu sameeyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Talyaaniga

Next Post

Xildhibaan Buraale “Furinta waxaan u joogaa in aan dhinto ama aan sharaf soo hooyo.”

Next Post
Xildhibaan Buraale “Furinta waxaan u joogaa in aan dhinto ama aan sharaf soo hooyo.”

Xildhibaan Buraale “Furinta waxaan u joogaa in aan dhinto ama aan sharaf soo hooyo.”

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In