Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir ku saabsan Manhajka wacyigelinta Doorashada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir ku saabsan Manhajka wacyigelinta Doorashada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo ah wadatashigii labaad ee ku aadan diyaarinta Manhajka Waciygelinta iyo waxbaridda cod bixiyaha doorashada ayaa maanta ka furmay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana ka qeybgalaya labo maalmood oo uu soconayo wakiilo ka kala socda Warbaahinta, dowlad Goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka hadlay Xuseen Cabdi Aadan oo ah xubin ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, isagoo sheegay in wacyigelintu muhiim u tahay qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020, maadaama dalka doorasho axsaab ah ay ugu dambeysay 50-sano kahor, arrintaasina ay ku qasabtay diyaarinta Manhajka wacyigelinta cod-bixiyaha doorashada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumada Soomaaliya mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo shirkan furay ayaa ka qeyb galayaasha u sheegay in Dowladda Federaalka ah ay ka go’an tahay fududeynta wax walba oo lagama maarmaan ah u ah hirgalinta doorasho qof iyo cod ah sandka 2020.

Wasiir Sabriye waxaa kaloo uu yiri “Madaxda Qaranka oo kaashanaya hay’adaha ay quseyso doorashadu waxa ay xooga saarayaan in dadku helaan wacyigelin doorasho si ay u bartaan xuquuqda ay u leeyihiin inay codeeyaan, iyadoo sidookale la fulinayo heshiiskii ay Beydhabo dhawaan kuwada gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ee dhinaca doorashooyinka, heshiiskaasi oo qeexayay in Soomalaiya ay qaadatay nuuca doorasho ee ah nidaamka matalaadda isku dheeli tiran”

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku howlan diyaarinta Manhajka wacyigelinta cod-bxiyaha doorashada, iyadoo la aaminsan yahay in helista manhajkaasi uu lafdhabar u yahay doorashada qof iyo cod ah oo la rajeynayo in sanadka 2020 ay ka qabsoonto Dalka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeeenka oo soo xiray shir looga hadlayay joojinta gudniinka fircooniga ah “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo shaaciyay in la dhamaystirayo sharciga lagu joojinayo tacadiyada loo gaysto Haweenka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo shaaciyay in la dhamaystirayo sharciga lagu joojinayo tacadiyada loo gaysto Haweenka “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo shaaciyay in la dhamaystirayo sharciga lagu joojinayo tacadiyada loo gaysto Haweenka "SAWIRRO"

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In