Tuesday, February 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir ku saabsan Manhajka wacyigelinta Doorashada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir ku saabsan Manhajka wacyigelinta Doorashada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo ah wadatashigii labaad ee ku aadan diyaarinta Manhajka Waciygelinta iyo waxbaridda cod bixiyaha doorashada ayaa maanta ka furmay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana ka qeybgalaya labo maalmood oo uu soconayo wakiilo ka kala socda Warbaahinta, dowlad Goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Related posts

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka hadlay Xuseen Cabdi Aadan oo ah xubin ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, isagoo sheegay in wacyigelintu muhiim u tahay qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020, maadaama dalka doorasho axsaab ah ay ugu dambeysay 50-sano kahor, arrintaasina ay ku qasabtay diyaarinta Manhajka wacyigelinta cod-bixiyaha doorashada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumada Soomaaliya mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo shirkan furay ayaa ka qeyb galayaasha u sheegay in Dowladda Federaalka ah ay ka go’an tahay fududeynta wax walba oo lagama maarmaan ah u ah hirgalinta doorasho qof iyo cod ah sandka 2020.

Wasiir Sabriye waxaa kaloo uu yiri “Madaxda Qaranka oo kaashanaya hay’adaha ay quseyso doorashadu waxa ay xooga saarayaan in dadku helaan wacyigelin doorasho si ay u bartaan xuquuqda ay u leeyihiin inay codeeyaan, iyadoo sidookale la fulinayo heshiiskii ay Beydhabo dhawaan kuwada gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ee dhinaca doorashooyinka, heshiiskaasi oo qeexayay in Soomalaiya ay qaadatay nuuca doorasho ee ah nidaamka matalaadda isku dheeli tiran”

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku howlan diyaarinta Manhajka wacyigelinta cod-bxiyaha doorashada, iyadoo la aaminsan yahay in helista manhajkaasi uu lafdhabar u yahay doorashada qof iyo cod ah oo la rajeynayo in sanadka 2020 ay ka qabsoonto Dalka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeeenka oo soo xiray shir looga hadlayay joojinta gudniinka fircooniga ah “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo shaaciyay in la dhamaystirayo sharciga lagu joojinayo tacadiyada loo gaysto Haweenka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo shaaciyay in la dhamaystirayo sharciga lagu joojinayo tacadiyada loo gaysto Haweenka “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo shaaciyay in la dhamaystirayo sharciga lagu joojinayo tacadiyada loo gaysto Haweenka "SAWIRRO"

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo diirran u diraysaa Boqor Hassanal Bolkiah, Dowladda iyo shacabka Brunei Darussalam munaasabadda Maalintooda Qaranka. Soomaaliya...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Somalia Congratulates Brunei on National Day

February 23, 2026
0

The Federal Republic of Somalia extends its warmest congratulations to His Majesty Sultan Haji Hassanal Bolkiah, the Government, and the...

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

February 23, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdiqaadir Cilmi ayaa guddoomiyay kulan la xiriira arrimaha adeegyada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In