Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray wajiga koowaad ee Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada (Diphtheria), kaas oo laga hirgelin doono guud ahaan Gobolka Banaadir.

 

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Munaasabadda daahfurka oo lagu qabtay iskuulka Muqdisho ee degmada Shibis ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda, bah-wadaagta caafimaadka, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, waxaana madasha lagu muujiyay muhiimadda uu tallaalku u leeyahay badbaadinta nolosha carruurta iyo xakameynta cudurrada faafa.

 

Ololaha tallaalka oo socon doona 16–20 December 2025, ayaa u jeedadku yahay in adeeg bixinta la gaarsiiyo carruurta ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir, si looga hortago faafitaanka cudurka gowracatada oo khatar ku ah caafimaadka bulshada, iyadoo wasaaradda caafimaadkana dhawaan ay shaacisay in sanadkan kaliya la diiwaan galiyay Kun kiis ayna u geeriyoodeyn Boqol caruura.

 

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdirahman Axmed Maxamuud, ayaa tilmaamay ineey nasiib darrro tahay in iyadoo lagu jiro 2025 in gobolka Banaadir laga diiwaan galiyo kiisas badan oo cudurka gowracatada ah, caruurna ay u dhintaan.

 

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta G.Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa tilmaamay in talaalka la gaarsiinayo Iskuulada, dugisyada Quraanka iyo xaruumaha caafimaadka, wuxuuna waalidiinta ugu baaqay ineey caruurtooda talaallaan.

 

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Dr Cali Xaaji Aadan, ayaa xusay ineey xoogga saari doonaan dabargoynta cudurka Gowracatada oo xilligan inta badan dunida laga ciribtiray.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Next Post

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Next Post
Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In