Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo qaabilay wafdi ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo qaabilay wafdi ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Safaaradda Sucuudiga.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryama Maxamed Xuseen iyo Isaak Mohamud Mursal Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda halka wafdigana ay horkacayeen Ambassador Mohamed Bamba, Agaasimaha Guud ee Ergada Gobolka u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamka, Ambassador Abdul Aziz Al-faraih, Safiir ku xigeenka Sucuudiga ee Soomaaliya iyo Injineer Cabdullaahi Cali Geelle, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Ergada Gobolka ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Wafdiga ayaa warbixino ku saabsan howlaha Caafimaad ee ay ka fuliyaan Soomaaliya la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr CaliXaajiAadan, iyagoo sheegay in qeybta Caafimaadka Soomaaliya waxbadan ay ka caawin doonaan Wasaaradda.

Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa Soomaaliya ka fuliya Mashaariic waxayna hadda dayactir iyo qalabayn ku wadaan saddex xarumo Caafimaad ah oo ku kala yaala Caabudwaaq, Beergadiid iyo Isbitaalka guud ee degmada Afgooye oo dhawaan la dhameeyey dhismihiisa kaas oo la filayo in dhawaan la daahfuro, Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ku guulaystey dhameystirka Isbitaalka guud ee Afgooye waxaana sida ugu dhow loo billaabi doonaa in xaruntaasi lagu fuliyo howlihii loogu talagalay ee loo dhisay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa bogaadiyey OIC,  waxa uuna amaanay in Ururka Iskaashiga Islaamka ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada horumarinta Caafimaadka Soomaaliya.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socday Hay’adda WFP “SAWIRRO”

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Awqaafta XFS oo ciidamada Amniga Baydhabo ku wareejiyay 3 Neef Geel ah

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Awqaafta XFS oo ciidamada Amniga Baydhabo ku wareejiyay 3 Neef Geel ah

Wasiir ku-xigeenka Awqaafta XFS oo ciidamada Amniga Baydhabo ku wareejiyay 3 Neef Geel ah

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In