Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa kulan la qaatay Golaha deegaanka iyo ururuka haweenka Degmada Waajid, kaasi oo ku saabsanaa in wadajir ah looga wada shaqeeya Amaanka iyo horumarka Degmada, iyada oo la garabsanayo ciidamada Ammaanka
Haweenkii ka hadlay kulanka ayaa mas’uuliyiinta u soo bandhigay marxaladda ku gadaamay nolol ahaan, iyaga oo sheegay inay u baahanyihiin in loo sameeyo shaqo abuur, loona dhiso xarun ay ku kala warqaataan, iyaga oo balan qaaday inay la shaqayn doonaan Ciidamada Ammaanka
Dhanka kale kulanka dhexmaray Golaha deegaanka Wasiirka Cadaaladda iyo Guddoomiyaha Gobolka Bakool ugu horayn waxaa lagu bogaadiyey doorashadii ay ku soo baxayn Xildhibaannada Golaha deegaanka iyo guddoonkoodaba.
Guddoomiyaha Gobolka Bakool Shiine Macalin Dhuurow iyo Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa si wadajir ah u faray golaha deegaanka, madaama ay codka bulshada si dhab ah ay ugu adeegaan bulshadii soo dooratay.
Markii ay kulanka soo idlaadeen kadib waxaa Warbaahinta Qaranka u waramay Guddoomiyaha Degmada Waajid Maxamed Macalin Yuusuf oo sheegay in kulamadii maanta dhacay ay qayb ka ahaayeen kulamo maalmahaan ka socday Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, kuwaas oo diiradda lagu saarayay ammaanka horumarka iyo wada shaqaynta bulshada ciidanka iyo Maamulka Degmada
Degmada Waajid shacabka ku nool ayaa madaxda ay la kulmeen dhammaantood waxay la wadaageen inay baahi weyn u qabaan furidda waddooyinka Degmada si ay uga maarmaan adeegyada ay u baahanyihiin oo hada hawada loo soo mariyo.