Tababarkaan iyo wadatashigaan la xariira Maareynta Mashariicda oo muddo saddex casho ah uga socday qaar ka mid ah shaqalaha Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Garsoorka dalka ayaa munaasabadda lagu soo xiray maanta waxaa ka qayb galay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya, Xeer ilaaliyaha Guud Qaranka,Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaliya iyo Agaasime waaxeedyada wasaradaasi.
Cabdiraxiin Shaafici la-talitaha hormarinta Tababarada Shaqada iyo Shaqalaha Wasaradda Cadaaladda oo ugu horreyn ka hadlay madasha ayaa sharaxaad ka bixinayey waxyabhii lagu bartay Tabarkaasi mudadii uu socday cod
“Tababarka maareynta Mashariicda shaqo kasta oo la qabanayo waxaa weeye waxay ku dhamaanaysaa mashariic iyo qaybo kale duwan oo u baahan si xirfadda ma raagtee loo qabto loona dhamaystiro, marka ma’ahan tababar oo kaliya sidoo kale waxaa dabo socday mar kasta wadatashi”
Xeer ilaaliyaha Guud Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in dadka ka faa’iidaystay Taba-barka laga dareemo tayo iyo hufnaan xafiisyadooddda cod
“ Isku daya waxaad ka inaad marka koowaad inaad naftiina kudabaqdaan, marka labaadna xafiiska aad joogto aad ku dhaqangaliso muhiim waaye, insha allah , waa markii 4-aad oo aan ka soo qayb galo tabarka sidan oo kale ah oo laydiin soo xiryo” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Guud Qaranka .
Wasiirka cadaaladda iyo Arrimaha Garsoonka Xukumadda Federalka Soomaliya Cabdulahi Axmed Jamac (Ilkajiir) oo soo xiray tababarka ayaa sheegay in tabarka lagu qaadanayo dalka gudihiis ay ka mihiimsan tahay kan lagu qaadanyo dalal kale oo aadan garanayn luqadooda iyo dhaqankoda toona cod
“Siminaarka dibadda lagu baro waxaa dhaama kan aad ku baraneyso gudaha dalka, kan ad gudaha ku baranaysaan waxaa weeye waxaa ku baraya dad ad is afganaysaan oo Soomali ah ayaa wixii ku siinaya wixii wad ka baaraan-dagaysaan, waad su’aalayaa wax badan ayaa ka faa’iidaysan oo afkaaga hooyo ayey kugu jawabayaan . sababtoo ah uma baahnid in lagaaga turjuma hadii aysan luuqadadii hooyo ahayn wax badan ayaa ka lumaya “ayuu Yiri wasiirka (Ilka jiir)
Tabarkaan laxariira maraynta mashariicda ayaa qayb ka hor qorsha lagu lagu hormarinayo barnamijyada hormarineed ee Wasaradda Cadaaladda Soomaliya.