Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumada Fedeeraalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay tababarka “Siyaasadda Qiimaynta Da’da Carruurta & Liis Hubineedka”.
Intii uu uu socday tababarka, wasiirka ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha in ay la shaqeeyaan hay’adaha la xiriira si loo hirgeliyo siyaasaddan.
Wasiirka ayaa sidoo kale yiri: “Siyaasaddani waxay hagaysaa dhammaan hababka lagu qiimeeyo da’da carruurta, maadaama aysan dalka ka jirin diiwaan-gelin sax ah, halkaasna ay ku waayaan xuquuqdooda.”
Tababarkan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa lagu lafo-guri doonaa hanaanka qiimeynta da’da carruurta, taasoo fududeynaysa in la daboolo baahiyaha ay qabaan.