Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya Oo Ku Lan La Yeeshay Safiirka Midowga Yurub 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya Oo Ku Lan La Yeeshay Safiirka Midowga Yurub 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo madaxa mashaariicda wasaaradda Ugbaad Nuur Cabdullaahi, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ambassador Tiina Intelmann.

Wasiirka, ayaa danjiraha Midowga Yurub la wadaagay qorsheyaasha hortabinta u leh Wasaaradda sida Ansixinta Siyaasadda la-dagaalanka Maandooriyaha, shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dayac-tirka garoomada dalka.

Related posts

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026

Danjiraha Midowga Yurub, ayaa ballan qaaday inay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kala shaqaynayaan sidii tababarro xagga xirfadaha ah loo siin lahaa dhallinyarada si loo yareeyo suuqa shaqo la’aanta.

Wasiirka iyo Mas’uuliyiinta kale ee la socday, ayaa sidoo kale la wadaagay Safiirka Midowga Yurub wixii ay ku soo arkeen kormeer ay shalay Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale oo Wasaaradda ka tirsan ku tageen Garoomada Muqdisho ku yaala, waxayna Midowga Yurub ballan qaadeen inay sidii ay u taageereen dhismihii Stadium Mogadisho ay garoomada dhimmanna gacan ka siin doonaan.

Waxaa sidoo kale kulanka la isla fahmay muhiimadda kor joogtaynta Wasaaradda ee dhammaan mashaariicda la xiriira dhallinyarada ee laga fulinayo waddanka gudihiisa, si loo hubiyo in dhaqaalaha loogu talo galay in dhallinyarada Soomaaliyeed wax loogu qabto u gaaray siddii saxda aheyd ee loogu tallo galay.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Madax Ka socotay Hay’adda MSF

Next Post

Maxaa ka soo baxay kulanka xiririnta adeegyada bulshada Gobalka Banaadir?

Next Post
Maxaa ka soo baxay kulanka xiririnta adeegyada bulshada Gobalka Banaadir?

Maxaa ka soo baxay kulanka xiririnta adeegyada bulshada Gobalka Banaadir?

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In