Tuesday, April 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya Oo Ku Lan La Yeeshay Safiirka Midowga Yurub 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya Oo Ku Lan La Yeeshay Safiirka Midowga Yurub 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo madaxa mashaariicda wasaaradda Ugbaad Nuur Cabdullaahi, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ambassador Tiina Intelmann.

Wasiirka, ayaa danjiraha Midowga Yurub la wadaagay qorsheyaasha hortabinta u leh Wasaaradda sida Ansixinta Siyaasadda la-dagaalanka Maandooriyaha, shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dayac-tirka garoomada dalka.

Related posts

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026

Danjiraha Midowga Yurub, ayaa ballan qaaday inay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kala shaqaynayaan sidii tababarro xagga xirfadaha ah loo siin lahaa dhallinyarada si loo yareeyo suuqa shaqo la’aanta.

Wasiirka iyo Mas’uuliyiinta kale ee la socday, ayaa sidoo kale la wadaagay Safiirka Midowga Yurub wixii ay ku soo arkeen kormeer ay shalay Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale oo Wasaaradda ka tirsan ku tageen Garoomada Muqdisho ku yaala, waxayna Midowga Yurub ballan qaadeen inay sidii ay u taageereen dhismihii Stadium Mogadisho ay garoomada dhimmanna gacan ka siin doonaan.

Waxaa sidoo kale kulanka la isla fahmay muhiimadda kor joogtaynta Wasaaradda ee dhammaan mashaariicda la xiriira dhallinyarada ee laga fulinayo waddanka gudihiisa, si loo hubiyo in dhaqaalaha loogu talo galay in dhallinyarada Soomaaliyeed wax loogu qabto u gaaray siddii saxda aheyd ee loogu tallo galay.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Madax Ka socotay Hay’adda MSF

Next Post

Maxaa ka soo baxay kulanka xiririnta adeegyada bulshada Gobalka Banaadir?

Next Post
Maxaa ka soo baxay kulanka xiririnta adeegyada bulshada Gobalka Banaadir?

Maxaa ka soo baxay kulanka xiririnta adeegyada bulshada Gobalka Banaadir?

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday xarunta Qaybta 3aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo miino baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey

SNAF Clears IED in Gololey

April 6, 2026
0

The Somali National Armed Forces (SNAF) conducted a mine clearance operation today in the Gololey area, located in Balcad town...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In