Wednesday, December 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka gaashaandhiga oo Kismaayo kula kulmay madaxweynaha Jubbaland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka gaashaandhiga oo Kismaayo kula kulmay madaxweynaha Jubbaland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashandhiga Dawlada soomaaliya Mudane Cabdiqaadir sh.Cali diini waxaa garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Kismaayo kusoo Dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Koobad Ee Jubbaland Cabdulaahi Sheikh Ismaacil Fartaag iyo Xubno katirsan Labada Gole Ee Maamulka Jubbaland waxaana intaas kadib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Ee Magaalada Kismaayo iyadoo halkaas uu ku Qaabilay Madaxweyne Axmed maxamed islaam.

Gaba gabadii waxaa Saxaafada si wada jir ah ula hadlay Madaxweyne Axmed maxamed islaam iyo Cabdiqaadir Sheeekh Cali diini.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

December 3, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

December 3, 2025

Axmed Maxamed islaam Madaxweynaha Jubbaland  oo goobta ka hadlay ayaa Wasiirka ku Amaanay sida uu uga Qayb  Qaatay nabad kusoo dabaalida Meelo badan oo Soomaaliya ah isla markana waxaa uu sheegay in ay ku soo
dhawaynayaan Magaalada Kismaayo.

“Waxaan Filayaa Cabdiqaadir in uu kamid yahay raga sida weyn ula socday Dhaqdhaqaaqena ilaa maalinkii Aan Xuduudka soo dhafaynay oo ay ka go’nayd in Dalka la xoreeyo waxaana isleehay in Arintaas maanta Wakhtigeedi la tagan yahay Aad baana ugu soo Dhawaynaynaa Magaalada Kismaayo”ayuu yiri Madoobe.

Wasiirka gaashandhiga xukumada Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini  ayaa sheegay in uu ku Faraxsan yahay imaanshahiisa magaalada Kismaayo madaxda Jubbaland ay ka wada hadli doonan Dhismaha Ciidamada
qaranka Soomaaliyeed.

“Waan ku Faraxsanahay imaanshahayga Maanta Ee Magaalada Kismaayo waxaana la jooga xiligii Aan u midoobi lahayn sidii Aan u Dhisi lahayn Ciidamo qaran oo soomaaliya ay leedahay Waxaana rajaynayaa in Ciidamadaas Dhismahooda idinkuna Aad ka Qayb qaadataan si mar danbe aysan Ciidamadeenu inooga Burburin lama joogo xili la is yidhaahdo hebal baa Hebal salaamayay iyo Hebal baa hebal la sawiraa Ee waa in Aan u midawno Dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed”ayuu yiri wasiirka.

Dowlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo sameyn lahaa dhismaah ciidamo qaran ayadoo dhawaan gudi arintaasi loo xilsaarayna uu bilaabay howlahaasi oo ay iska kaashanayaan dowlada Soomaaliya iyo maamulk goboleedyada.

Previous Post

Shir Garoowe uga furmay maamul goboleedyada

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho 18-05-2015

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho 18-05-2015

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

December 3, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jama ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

December 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa maanta ka guddoomay nuqullo kamid ah waraaqaha aqoonsiga...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay Shir Caalami ah oo lagu horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay Shir Caalami ah oo lagu horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

December 3, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa ka qeyb-galay shir heer caalami ah oo laba maalmood ka...

Dowladda Jarmalka oo si Buuxda u Aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya.

Dowladda Jarmalka oo si Buuxda u Aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya.

December 3, 2025
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay go’aanka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Jarmalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In