Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Shiinaha

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
7 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga JFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Beijing kulan doceed kula yeeshay Wasiirka Difaaca Jamhuuriyadda Dalka Shiinaha, Admiral Dong Jun, xilli uu ka qayb-galay Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Xiangshan. Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee heer wasiir dhex mara labada dal muddo ku dhow 40 sano, taas oo calaamad u ah bog cusub oo ku saabsan xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiir Fiqi ayaa kulanka ku sharaxay horumarka muuqda ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo difaaca, isagoo xusay in ciidamada Soomaaliyeed ay xoreeyeen dhul badan oo ay hore ugu sugnaayeen kooxaha argagixisada, isla markaana lagu tallaabsaday xasillinta deegaanno muhiim ah oo dalka ka mid ah.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun, ayaa bogaadiyay horumarka iyo jihada wanaagsan ee ay Soomaaliya ku socoto, isaga oo ku tilmaamay “tallaabo rajo iyo xasillooni horseedaysa” dadaallada socda ee dib-u-dhiska amniga iyo adkeynta hay’adaha difaaca.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta, iyada oo diiradda la saarayo xasilloonida gobolka, la dagaallanka argagixisada, taageerada howlgalka AUSSOM, iyo tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo nabad iyo amni waara oo ka hirgala Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Previous Post

Muungaab oo ka dhawaajiyay mashaariic cusub oo laga hirgalinaayo degmooyinka gobolka

Next Post

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Duqa Magaalada Minneapolis

Next Post
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Duqa Magaalada Minneapolis

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Duqa Magaalada Minneapolis

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In