Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo la Kulmay Guddiga Ganacsiga & Dhaqaalaha Aqalka sare+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo la Kulmay Guddiga Ganacsiga & Dhaqaalaha Aqalka sare+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xayir Maareeye ayaa la kulmay Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Golaha Aqalka sare, wuxuuna kala hadlay Dhaqaalaha dalka, Siyaasadda Ganacsiga, Hormarka Ganacsatada iyo Waxsoosaarka.

Guddoomiyaha Guddigaasi Senator Cabdi Axmed Dhuxulow ayaa sheegay in kulanka looga hadlay arrimo badan, iyadoo ay si gaara diirada u saareen dhibaatada ka taagan Waxyaabaha dalka la soo galiyo oo aan la xakameyn.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Senatorka ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga ay Warbixin ka siisay horumarada Ganacsi iyo Dhaqaale uu dalka ku talaabsaday, wuxuuna xusay inay ogaadeen isbedelo badan in la sameeyay, dalkana uu kasoo gudbay marxalado badan oo adkaa haatana laga wada shaqeynayo sidii dalka loo gaarsiin lahaa in la xoojiyo Kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in kulanka ay la yeesheen guddiga uu guul kusoo dhamaaday isla markaana ay isla afgarteen waxyaabo badan oo muhiim u ah Ganacsiga iyo Dhaqaalaha dalka.

Wasiirka ayaa sheegay Warbixinta ay u gudbiyeen Guddiga Aqalka sare inay kaga hadleen Horumarada iyo Caqabadaha jira iyo Qorshaha Dowlada ay wado oo lagu doonayo in waxsoosaarka Soomaaliya suuqyo loo raadiyo

“Guddiga si fiican ayaan iskula garanay waxyaabo badan oo aan ka wada hadalnay, waxaan warbixin ka siinay horumarada hada dowlada wado oo ay ka mid tahay in waxsoosaarka Soomaaliya suuqyo loo raadiyo maadaama mudo 30–sano ah ay yareyd wax dhoofinteena iyo sida Dowlada kaga go’an tahay Horumarinta dhaqaalaha iyo Maalgashiga”.

Previous Post

Wasiirka Amniga XFS oo sheegay in Ciidanka Amniga fashiliyeen Gaari walxaha Qarxa siday (Sawiro)

Next Post

Guddiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha oo Hal Milyan oo doolar gaarsiinaya Deegaanada Fatahaaduhu saameeyeen

Next Post
Guddiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha oo Hal Milyan oo doolar gaarsiinaya Deegaanada Fatahaaduhu saameeyeen

Guddiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha oo Hal Milyan oo doolar gaarsiinaya Deegaanada Fatahaaduhu saameeyeen

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In