Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Ee Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Afrika

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
7 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Ee Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(ALGERIA): Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee JFS Mudane Mohamud Axmed Adan Geesood, ayaa ka qayb galay shirka Wadahadalka Wasiirrada ee Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AFCFTA) oo ka dhacay intii lagu guda jiray bandhigga #IATF2025 ee dalka Aljeeriya.

Shirka oo uu martigeliyay Wasiirka Ganacsiga Dibadda iyo Dhiirrigelinta Dhoofinta ee Aljeeriya, Prof. Kamel Rezig, ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Xoghayaha Guud ee AFCFTA, Mudane Wamkele Mene, iyo wasiirro ganacsi oo ka socday dalal kala duwan oo Afrika ah, iyagoo ka wada hadlay sidii loo fududeyn lahaa ganacsiga gudaha qaaradda Afrika.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Shirka ayaa si xoog leh u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Afrika ay ka gudubto hamiga iyo qorshaha una gudubto fulinta wax ku oolka ah ee AfCFTA si loo abuuro shaqooyin, loo dardargeliyo warshadeynta, loona gaarsiiyo barwaaqo guud ahaan qaaradda.

Ka-qaybgalka Soomaaliya ee shirkan wuxuu caddeyn u yahay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in ay qeyb weyn ka qaadato dadaallada lagu xoojinayo ganacsiga gudaha Afrika iyo isku xirka dhaqaalaha qaaradda.

Shirka waxaa Wasiirka kala qayb galay Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Mudane Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego.

Previous Post

Madaxweynaha dalka Suuriya oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarig jaray garoonka diyaaradaha cusub degmada Buurhakaba

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarig jaray garoonka diyaaradaha cusub degmada Buurhakaba

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarig jaray garoonka diyaaradaha cusub degmada Buurhakaba

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In