Waxaa goordhaw Magaalada Muqdisho ka ambabaxay wafdi ay hoggamineyso Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye, kuwaas oo ku wajahan magaalada Buulo-Burde ee Gobalka Hiiraan.
Wafdiga ayaa waxaa Wasiirka ku wehelliyo Madaxda Hayβadaha UN-OCHA, WFP iyo UNICEF, waxaana garoonka diyaaradaha Magalada Muqdisho ka sagootiyay Masβuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federalka Soomaaliya.
Ujeedka safarka Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Soomaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ee degmada Buulo-Burde ayaa ah u kuurgalidda xaaladdaha Biniβaadanimo ee halkaasi ka jira.
Sidoo kale Wasiir Khadiijo ayaa sidokaleΒ kulamo kala duwan la qaadan doonto Β Maamulka degmada Buul-Burde iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si wax looga qabto xaaladdaha baniβaadanimo ee kajirta degmada.














