Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif, ayaa tababbar muddo labo bilood ah soconaayey u soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda oo lagu baranayey bedqabka iyo amniga boostada, waxaana bixisay Hay’adda Boostada Adduunka (UPU).
Shaqaalaha qaatay tababarkaan waxay soo bandhigeen qayb ka mid ah xirfaddooda oo loo adeegsanayey qalab sahlaya shaqada iyo adeegga Boostada oo muhiim u ah kor uqaadista kobaca dhaqaalaha Dalka.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey shaqaalaha ka faa’iideystaay tababarkaani waxa uuna ku booriyey in tababbarrada la sii xoojiyo si tayada shaqaalaha mar walba kor loogu sii qaado “Waa lagama maarmaan in la helo shaqaalo leh aqoon tayo sare leh, taasoo sare u sii qaadaysa adeegga iyo shaqada ay wasaaraddu ugu idman tahay inay u qabato dalka” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Sidoo kale Wasiirka, ayaa hoosta ka xariiqay in qof aan aqoon lahayn uusan bulshada si hufan ugu shaqayn karin ayna qofkaas horyaallaan caqabado uusan ka gudbi karin, loona baahan yahay in mar kasta kor loogu sii qaado xirfadaha iyo aqoonta shaqaalaha.