Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo BJFS ka hor Akriyay Sharciga hormarinta kalluumeysiga  

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo BJFS ka hor Akriyay Sharciga hormarinta kalluumeysiga  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan, ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka hor akriyey hadaljeedin ku saabsan sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa fadhga golaha la wadaagay faahfaahin iyo sharaax ku saabsan wax kabadalka lagu sameeyey sharciga, meelaha ugu muhiimsan ee wax laga badalay iyo sabaha keenay in wax kabadal lagu sameeyo sharcigan.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Wasiirka ayaa yiri “Sharcigii hore wuxuu ka koobnaa siddeed (8) Cutub iyo 44 qodob. Dib u habayn ka dib sharciga aan maanta ka hor aqriyey Golaha Shacabka wuxuu ka kooban yahay, afar iyo toban (14) Cutub iyo 162 qodob, taas oo muujineysa isbadalka lagu sameeyey sharcigan kaas oo aan rajeyneyno in uu daboolo baahi weyn oo loo qabo sharci nuucaan oo kale ah, dalkana siinaya sharci kalluumeysi oo dhamaystiran kana jawaabaya baahida sharci ee khayraadka kalluunka dalkeenna”

Ugu dambeyn wasiirka ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka ka codsaday in ay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda sharci dajin ay meelmariyaan sharcigan kaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid muhiim horumarinta iyo maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliya islamarkaana dalka u horseedaya in si hufan loo maanulo Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee dalka.

Previous Post

Golaha Aqalka Sare oo kulankooda maanta ku akhriyay laba sharci oo muhiim ah

Next Post

Xarunta Qaran ee gurmadka degdegga ah oo loo magacaabay kusime Xasan Cabdulqaadir 

Next Post
Xarunta Qaran ee gurmadka degdegga ah oo loo magacaabay kusime Xasan Cabdulqaadir 

Xarunta Qaran ee gurmadka degdegga ah oo loo magacaabay kusime Xasan Cabdulqaadir 

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In