Friday, December 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo daah furay mashruuc shaqooyin loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed “SAWIRO+ DHAGAYSI”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo daah furay mashruuc shaqooyin loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed “SAWIRO+ DHAGAYSI”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 29, May, 2016….Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa maanta daah furaay Barnaamijka Tiir dhexaadka u ah Tayeeynta iyo Fursadaha Hay’adaha Dhaqaalaha. Somali Core Economic Institutions and Opportunities Project (SCORE) Mashruucaan ayaa waxaa maalgalinaya Bangiga Aduunka, wuxuuna si toos ah ula shaqaynayaa Wasaaradaha Ganacsiga, Dekedaha iyo Bangiga Dhexe kuwaas oo xiriir fiican la leh shirkadaha gaarka loo leeyahay (Privet Sector)

Mashruucaan daah furkiisa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Dekedaha ee XFS iyo Wasiirka Maaliyadda dowlad goboleedka Puntland, wuxuuna socon doono mudo sadex sano ah, iyadoo uu kici doono aduun gaaraya 30 milyan oo doolar, waxaana si gaar ah loogu hormarinayaa shirkadaha gaarka loo leeyahay, wuxuuna gacan ka gaysan doonaa sidii loo abuuri lahaa jawi suura galin kara in shaqo loo abuuro dhalinyarada iyo haweenka.

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

Wasiir Farkeeti ayaa sheegay in diirada lagu saarayo Mashruucaan tayeeynta dhanka shuruucda iyo kor u qaadida awooda Wasaaradaha xiriika la leh Ganacsatada.

“Waxaa ugu horeeya talaabooyinka mashruucaan qaadi doono in kor loo qaado Hay’adaha xariirka la leh ganacsiga gaarka loo leeyahay sida Wasaaradda Dekedaha, Wasaaradda Ganacsiga, iyo Bangiga Dhexe sidii loo hormarin lahaa howlaha ku aadan maamulka iyo maareynta. Iyadoona la soo saari doono lana dhaqan galin doono shuruuc dhiiri galin karta maalgashiga. Waxaa kale oo qayb ka ah mashruucaan in la taageero shirkadaha gaarka loo leeyahay kuwaas oo awood u yeelan doona inay shaqooyin u abuuran shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa yiri “Mashruucaan waxaa laga fulin doonaa dhamaan dalka, waxaana lagu bilaabayaa Puntland iyo magaalada Muqdisho, waxaana hormuud u ah fulintiisa Wasaaradda Maaliyadda XFS oo gacan ka helaysa Bangiga Aduunka, lacagta mashruucaan waxaa ku deeqay wadamada deeqada bixiya gaar ahaan wadamada ku bahoobay Midowga Yurub”

Ugu danbayntii, Wasiirka ayaa sheegay in ay farxad u tahay Wasaaradda Maaliyadda in maanta ay kaga dhawaaqdo mashruucaan hirgalintiisa magaalada Muqdisho, wasaaraduna ay diyaarisay wax kasta oo suura galinaya in mashruucaan guulaysto.

Halkaan Ka Dhagayso codka Wasiirka.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/05/CODKA-WASIIRKA-MAALIYADA-SOOMAALIYA-.mp3

Ferkeeti 76

Ferkeeto 456

Farkeeti5

Farkeet 56

Ferkeeti 78

Farkeeti 56

Farkeeti

Previous Post

Guddoomiye ku-xigeenka NUSOJ oo lagu soo dhaweeyay Dhuusa mareeb

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In