Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maareeye “Halyeeyga sanadkii tegay waxaan u aqoonsanay askariga Soomaaliyeed”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka warfaafinta oo ka hadlay weerarka argagixiso ee lagu qaaday hotel Saxafi “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in daraasad ay sameysay Wasaaradda Warfaafinta lagu ogaaday in askariga uu yahay halyeeyga sanadkii tegay, maadaama ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay har iyo habeenba u taaganyihiin difaaca Qaranimada Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa xusay in daraasaddu ay sameysay Wasaaradda Warfaafinta uu u horgeyn doono golaha Wasiirada, si abaal marin loo guddoonsiiyo ciidamada qalabka sida meelkasta oo ay joogaan, maadaama ay u taaganyihiin gudashada waajibaadkii loo idmaday, ayna tahay mid wanaagsan in la abaarmariyo.

Related posts

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa Wasaaradda Warfaafinta uga mahadceliyay daraasadda ay sameysay ee ku aadan in halyeeyga sanadkii tegay loo aqoonsado askariga Soomaaliyeed, waxaana uu arrintaasi ku tilmaamay mid dhiiri gelineysa ciidamada naftooda u huray in cadowga ay ka difaacaan shacabka.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka

Next Post

Wasiirka Amniga oo ciidanka ku bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab

Next Post

Wasiirka Amniga oo ciidanka ku bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyay Dastuurka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
0

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir...

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In