Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa sheegay in meeel gebogabo ah uu marayo qorshaha ay Soomaaliya ugu biireyso Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika
Wasiirka Beene Beene oo hadal jeediyay xuska maalinta tirakoobka Afrika ayaa sheegay in safarkii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh uu ku tagay labo maalin ka hor dalka Burundi inuu kulan horudhac la yeeshay guddoomiyaha bulshada bariga Afrika ahna Madaxweynaha dalka Burundi Évariste Ndayishimiye.
“Dowladda Soomaaliya sanadkan oo dhan waxaa ay si xooggan kaga shaqeynaysay sidii aan qeyb uga noqon laheyn bah-wadaagta Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Barriga Afrika, rajadaasna aad iyo aad ayey u weyn tahay, inaan ku guuleysano ayeyna u badan tahay inaan noqono wadanka 8-aad ee ku biiira bulshada bariga Afrika” ayuu yiri Wasiirka Beene Beene.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya dadaal xoogga ay ku bixineyso inay si ballaaran kaga dhex muuqato howlaha ka socda Qaaradda Afrika taasina ay keeneyso in hey’ad walba ay qaadata kaalinteeda, iyada oo lagu xiran yahay waxyaabahaQqaarrada ka taagan.
Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo ah mid kamid ah bah-wadaagta udub dhexaadka u ah Midowga Afrika ayaa waxaa ku mideysan illaa 7 wadan, Soomaaliya ayaana dadaal weyn ugu jirto sidii ay uga mid noqon laheyd bulshada Barriga Afrika, kaasi oo la filayo inta aan la gaarin bisha December lagu dhawaaqo natiijada.