Sunday, March 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 weeks ago
in Wararka
0
Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xalay magaalada Muqdisho ku soo gunaanudday bandhigga Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo xuska munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee 8-da Maarso.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

March 29, 2026
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

March 29, 2026

Xiritaanka munaasabaddaan waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Amb Axmed Macalin Fiqi, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qoyska marwo Maryan, safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Muqdisho Amb alper aktaş, taliyaha Nabadsugiga Gobolka Banaadir Taliye Liibaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo marti sharaf ka;e.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo si rasmi usoo xirtay bandhigga ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed , xuska Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka ayaa uga mahad celisay Haweenka ganacsatada ee ku jira ururka Haweenka Ganacsatada ah sida ay usoo bandhigeen hal abuurkooda ganacsi,iyadoo sidoo kale u mahad celisay mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka qeybgalay dhiirigelinta haweenka ganacsatada ah.

Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa sanadkan si weyn oo aan horey loo arag u qabatay xuska Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka,halkaasi oo lagu soo bandhiggay adeegyada ganacsiyada yaryar ee ay qabtaan haweenka iyo doorka ay ku leeyihiin horumarka bulshada.

Mudadii u socday todobaadka bandhigga haweenka waxaa gabdhihii ka qeybgalay loo sameeyay howlo isugu jiray baaritaano iyo daweyn caafimaad oo lacag la’aan ah .

Previous Post

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Next Post

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAAY):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay, ee Gobolka Baay, kadib...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa daahfuray barnaamij tababar ah oo loogu talagalay shaqaalaha...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ahna Ku-simaha Wasiirka oo xilka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo Taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ahna Ku-simaha Wasiirka oo xilka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo Taliyaha cusub

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qabgalay furitaanka Shirka Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In