Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Qoyska XFS oo soo gunaanadday bandhigga Todobaadka ee Haweenka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xalay magaalada Muqdisho ku soo gunaanudday bandhigga Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo xuska munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee 8-da Maarso.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Xiritaanka munaasabaddaan waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Amb Axmed Macalin Fiqi, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qoyska marwo Maryan, safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Muqdisho Amb alper aktaş, taliyaha Nabadsugiga Gobolka Banaadir Taliye Liibaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo marti sharaf ka;e.

 

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo si rasmi usoo xirtay bandhigga ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed , xuska Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka ayaa uga mahad celisay Haweenka ganacsatada ee ku jira ururka Haweenka Ganacsatada ah sida ay usoo bandhigeen hal abuurkooda ganacsi,iyadoo sidoo kale u mahad celisay mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka qeybgalay dhiirigelinta haweenka ganacsatada ah.

 

Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa sanadkan si weyn oo aan horey loo arag u qabatay xuska Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka,halkaasi oo lagu soo bandhiggay adeegyada ganacsiyada yaryar ee ay qabtaan haweenka iyo doorka ay ku leeyihiin horumarka bulshada.

 

Mudadii u socday todobaadka bandhigga haweenka waxaa gabdhihii ka qeybgalay loo sameeyay howlo isugu jiray baaritaano iyo daweyn caafimaad oo lacag la’aan ah .

Previous Post

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Next Post

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In