Thursday, December 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada oo su’aalo laga waydiyay hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada oo su’aalo laga waydiyay hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahin iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, ayaa shir guddoomiyay kulanka 20-aad ee kalfadhiga shanaad oo ay soo xaadireen soddon sanatar.

Ajandaha kulanka maanta ka koobanaa saddex ajande oo kala ahaa:

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

1- Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya.

2- Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

3- Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Khayraada Qaranka Aqalka Sare Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa dulmartay akhrinta saddexaad ee Hay’adda Sharciyeynta Baaritaanka Beeraha iyo sharciga Xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed, iyadoo intaas ka dib xubnaha Sanatarrada ay cod gacan taag ahaa ku meel mariyeen labadaas sharci oo dalka muhiimka u ah, sagaal iyo labaatan Sanatar ayaa ogolaatay, wax diday ama ka aamusayna ma jirin.

Ka dib, waxaa loo gudo galay akhrinta 2aaad ee Sharciga Shaqada Soomaaliyeed, Guddoomiyaga Guddiga arrimaha Bulshada Aqalka Sare Sanatar Cismaan Maxamed Maxamuud Dufle ayaa dhankiisa, xubnaha Sanatarrada dulmar guud iyo sharraxaad ka siiyay sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliyeed, intaas ka dib Sanatarrada ayaa ka dooday sharciga waxayna soo bandhigeen aragtidooda iyo meelaha ay ka qabaan qodobada sharciga in wax ka beddel, toosin ama sixitaan lagu sameeyo.

Gunaanadkii doodda oo aad u dheeraatay Saatarradu waxa ay codsadeen maadaada sharcigu yahay mid ka kooban qodobo badan oo hal maalin laga wada doodi karin in doodda akhrinta 2aad ay sii socoto kulamada soo socdo, wuuna ka aqbaly Guddoomiyuhu soo jeedintaas, sidaas ayaana kulankii guddoomiyuhu kusoo xiray, iyadoo kulanka xiga uu sii socon doonno doodda iyo akhrinta 2aad ee Xeerka Shaqada Soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxda wasaaradda warfaafinta oo ka tacsiyeeysay geerida faanadda Faadumo Duur

Next Post

Dr. Hodan Cusmaan oo Nuqulka Aqoonsiga Danjirenimo ku wareejisay Dowladda Shiinaha

Next Post
Dr. Hodan Cusmaan oo Nuqulka Aqoonsiga Danjirenimo ku wareejisay Dowladda Shiinaha

Dr. Hodan Cusmaan oo Nuqulka Aqoonsiga Danjirenimo ku wareejisay Dowladda Shiinaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In