Monday, September 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka warfaafinta iyo wakiilka midowga Afrika oo faahfaahin ka bixiyey hawlgalladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay

caqiil by caqiil
January 25, 2023
in Wararka
0
Wasiirka warfaafinta iyo wakiilka midowga Afrika oo faahfaahin ka bixiyey hawlgalladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wakiilka Midowga Afrika Mohamed El-Amine Souef,oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa warbaahinta la wadaagay hawgaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka,kuwaas oo khasaare weyn loogu geystay kooxda khawaariijta Al-shabaab.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika ahna madaxa hawlgaladda ATMIS ayaa sheegay in Beesha caalamku bogaadinayso hawgallada dalka ka socda kuwaas oo dalka looga ciribtirayo kooxda khawaariij,wakiilka ayaa sheegay in ay jirto ka go’aanshiiyo dagaalka ah iyadoo la arkayo Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka,Ra’iisulwasaaraha iyo golaha wasiirdda oo jooga furimaha dagaalka.

Related posts

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

September 8, 2025
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

September 8, 2025

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac wasiirka Warfaafinta ayaa warfidiyeenada u sheegay in muddo 24 saac guddahood ah Ciidanka Xoogga oo kaashanaya Shacabka deegaanka ay degmooyinka Galcad,Xarardheere iyo Ceeldheer kaga saareen kooxda khawaariijta,degmooyinkan ayaa ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud,iyadoo degmooyinkani mudo 15 sano ah gacanta ugu jireen kooxda khawaariijta,shacabka degmooyinka hadda dareemaya neecow xornimo iyo adeegyadii dowladda oo la gaarsiiyey,sidoo kale degmadda Galcad ayaa lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta dagaal dhacay ka dib markii khawaariijtu isku da’yeen in ay weeraraan Saldhig Ciidanka Xooggu halkaas ku lahaa,ciidanka Xoogga ayaa dagaalkan waxa kaga shahiiday 7 Askari oo uu ku jiro Taliye kuxigeenkii Ciidanka Danab Gaashaanle Xasan Tuure,Madaxweynaha JFS iyo madaxda Qaranka ayaa uga tacsiyeysay eheladda iyo shacabka Soomaaliyeed shuhaddada dhiigooda u huray difaaca dalkooda.

Deegaanka Beer-faarax oo ka tirsan degmadda Xarardheere kagana beegan dhanka waqooyi waxa isla toddobaadkan hawlgal Ciidanka Xooggu fuliyeen lagu dilay 70 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta oo halkaas ku dhuumanayey.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha dhexe dagaal ka dhacay lagu dilay 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta,halka dhinaca Ciidanka xoogga ay kaga shahiideen 5 Askari,sido kale deegaanka Beerta Sheekh Qaasim oo ka tirsan Tuulada Dhagaxow hawlagal ay si wada jirka ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxa lagu dilay 70 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta Al-shabaab.

Hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka xoogga iyo Ciidanka hawlgalka midowga Afrika ATMIS kaas oo ka dhacay gobolka shabeellaha hoose gaar ahaan deegaanka Danow ayey ku dileen 23 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta,wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hawlgal ka dhacay deegaanka Goof-guduud oo ka tirsan gobolka Baay lagu dilay 34 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta, Ciidammada amniga ayaa sidoo kale lix xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay xarunta Gobolka Banaadir kadib markii ay halkaasi soo weerareen argagixisada,halka 5 qof oo rayid ah oo uu ku jiro samafale aragga la’aa uu halkaas ku geeriyooday,wasiirka ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay in hawgaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay kooxda khawaariijta ah looga dilay 323 xubnood.
Wasiirka ayaa dhinaca kale hadlay safarkii madaxweynaha Jamhuuriyaddu Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay caasimadda ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedka koonfur-galbeed,halkaas oo uu Madaxweynuhu kaga dhawaaqay in wejiga xiga ee hawlgalada lagu ciribtirayo khawaariijta Al-Shabab ay ka dhici doonaan Dowladda Goboleedyada Koonfuur Galbeed iyo Jubaland,baaqa nadaxweynaha ka dib waxa bilowday hawlgallo lagu beegsaday Khawaarijta ayaa dhowaan degaannadaasi ka dhacay,waxaa kale oo uu Madaxweynaha JFS kormeer dhiirigelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 60-aad oo u diyaar garoobay dagaalka lagu soo afjarayo khawaarijta.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo in ka badan 300 culumo ah ay ka qeyb galayaan,Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka ayaa xusay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, argagixisaduna ay uga been abuurteen,madaxweynaha ayaa sidoo kale dib u xusay culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, 23 January sanadkii 1975-tii, kuwaas oo u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khaldanayd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka.

Wasiir Daa’uud ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey kulan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya ku casuuntey kulan ayey dowladdu ku soo bandhigtay xafiiska cusub ee isku xirka iyo mideynta farriimaha dowladda ( Government Communication Office ).

 

Previous Post

Bannaanbaxyo looga soo horjeeday gafkii lagula kacay Qur’aanka Kariimka oo ka soda dalalka Islaamka

Next Post

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

September 8, 2025
0

 Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

September 8, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga...

Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa

September 8, 2025
0

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta ka furmaya shirka looga hadlayo isbeddelka cimilada iyo saamaynta taban ee...

Duqa Muqdisho oo maanta xarig-jaray wadada isku xirta degmooyinka Xamarjajab iyo Waaberi

Duqa Muqdisho oo maanta xarig-jaray wadada isku xirta degmooyinka Xamarjajab iyo Waaberi

September 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarigga ka jaray wadada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In