Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda 21 xarumood oo warbaahineed oo ka hawlgala Muqdisho.

Ujeeddada aqoon-isweydaarsigan ayaa ah xoojinta fahamka saxafiyiinta ee doorkooda ku aaddan tabinta mas’uuliyadda leh inta lagu jiro geeddi-socodka doorashooyinka, gaar ahaan ka hortagga faafinta wararka khaldan, marin-habaabinta iyo hadallada naceybka ee saameyn kara kalsoonida dadweynaha iyo xasilloonida bulshada.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama, oo furitaanka tababarka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in warbaahintu kaalin xooggan ka qaadan karto xoojinta xasilloonida doorashooyinka iyo ka hortagga hadallada naceybka ee abuuri kara xasaradaha dhasha xilliyada doorashooyinka.

“Warbaahintu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta hufnaanta macluumaadka doorashooyinka. Waxaa lagama maarmaan ah in saxafiyiintu ay tabintooda ku saleeyaan xog sax ah, dheellitirnaan iyo mas’uuliyad xirfadeed si loo xoojiyo kalsoonida dadweynaha ee geeddi-socodka doorashooyinka.”

Wasiir Daud ayaa ku booriyey suxufiyiinta inay xoojiyaan tabinta dheellitiran ee ururrada iyo dhinacyada siyaasadda, isla markaana mar walba kor u qaadaan codka u hiilinaya nabadda iyo dowlad-dhiska.

Intii uu socday aqoon-isweydaarsigan oo uu taageeray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), ka-qaybgalayaasha waxaa la siin doonaa casharro ku saabsan fahamka nidaamka doorashooyinka qaranka, ilaalinta hufnaanta macluumaadka doorashooyinka, xaqiijinta xogta, iyo ka hortagga hadallada naceybka.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay sii wadidda tababarada kor loogu qaadayo xirfadaha saxafiyiinta iyo horumarinta anshaxa warbaahinta, si loo taageero qabsoomidda doorashooyin hufan, nabdoon, isla markaana lagu kalsoonaan karo.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay'adaha Qaramada Midoobay

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul...

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In