Thursday, December 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cabdinaasir

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cabdinaasir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa shacabka Soomaaliyeed, bahda fanaaniinta iyo eheladiisa uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Fanaan, Muusikiiste Marxuum Cabdinaasir Macalin Ceydiid oo ku geeriyooday dalka Ethiopia.

Wasiirka ayaa sheegay in Marxuumka uu wax badan u soo qabtay dalka iyo dadkaba, isla markaana uu Alle uga baryayo inuu ka waraabiyo naxariisto janno.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

December 25, 2025

“Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariisto fanaan/muusikiste Cabdinaasir Macalin Caydiid oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, ehelka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun”. Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

 

Previous Post

Wasiir Daa’uud “Garsoor hufan oo caddaalad ah waa aas-aaska dib u yegleelida dowlad Soomaaliyeed oo awood leh”.

Next Post

Madasha Qaran ee Hormarinta Ganacsiga Beeraha oo lagu soo gabagabeeyey Muqdisho

Next Post
Madasha Qaran ee Hormarinta Ganacsiga Beeraha oo lagu soo gabagabeeyey Muqdisho

Madasha Qaran ee Hormarinta Ganacsiga Beeraha oo lagu soo gabagabeeyey Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Marwo...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

December 25, 2025
0

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda oo ku hadlaysa magaca dhammaan diblumaasiyiinta safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhiibtay codkiisa doorashada Golaha Deegaanka ee...

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

December 25, 2025
0

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah ka gashay sooyaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, kaddib markii si wadajir ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In