Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo kulan La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Madaxda Ururrada Saxaafadda

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo kulan La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Madaxda Ururrada Saxaafadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aways Jaamac, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatey madaxda ururrada saxaafadda ee FESOJ, SOMA iyo MEDIA WOMEN NETWORK (MWN). Waxaa xubnaha uu shirka la qaatey ay kala yihiin Faarax Cumar Nuur (FESOJ), Maxamed Cusmaan Makaraan (SOMA) , Kaafiyo Cabdullaahi Naaleeye (MWN) iyo Maxamed Maxamuud Cadde.

Kulankan wadatashiga ah, ayaa looga hadlyay sidii Wasaaradda iyo Ururrada Suxufiyiintu isaga kaashan lahaayeen u adeegidda bulshada Soomaaliyeed, looguna gudbin lahaa fariimo sax oo la xiriira wacyigelinta iyo horumarka dalka.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Wasiirka ayaa tilmaamey doorka ururradan ku leeyihiin horumarka saxaafadda iyo waqtigii adkaa ee ay ku shaqeynayeen, isagoo ku bogaadiyay dadaalka ay weli ugu adeegayaan shacabka. Waxaa uu wasiirku intaa ku darey in saxaafaddu ay kaalin mug leh ay ku leedahay jiheynta shacabka iyo dhismaha dowladnimada , madaama ay iyagu yihiin kuwa fariimaha waxgalka ah u gudbiya bulshada.

Madaxda ururrada suxufiyiinta, ayaa dhankooda sheegay in muhiim ay tahay in wax laga qabto caqabadaha qaar , taasina ay qeyb weyn ka qaadan karto in fariimo wax dhisaya oo isku mid ah loo gudbiyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka, ayaa u ballan qaadey madaxda ururrada in Wasaaradda ay xoogga saari doonto wadashaqeynta ay la leedahay dhammaan ururrada saxaafadda iyo Warbaahinta kala duwan ee dalka ka jira, isagoo intaa ku darey in caqabadaha jira si wadajir ah xal loogu raadin doono.

Previous Post

Kulan looga hadlaayo Bilicda Caasimadda Oo Lagu Qabtay Muqdisho 

Next Post

Guddoomiyaha G/Shacabka Oo shir Guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 7-aad Ee BJFS

Next Post
Guddoomiyaha G/Shacabka Oo shir Guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 7-aad Ee BJFS

Guddoomiyaha G/Shacabka Oo shir Guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 7-aad Ee BJFS

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In