Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo si rasmi ah u furtay Imtixaanka Qoraalka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Idman Yahye by Idman Yahye
8 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo si rasmi ah u furtay Imtixaanka Qoraalka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daah furtay Imtixaanka qoraalka ee xubnaha u tartamaya Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Guddiga oo ay markii hore soo codsadeen shaqadiisa 302 muwaadin oo Soomaaliyeed ayaa waxaa shuruudaha buuxiyey oo kala xulidda Guddiga madaxa bannaan ee xulista kasoo gudbay 58 qof sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaanaa ee soo xulayay musharaxiinta guddiga Mudane Cumar Faaruuq Cismaan oo ka socday Bulshada Rayidka.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Guddoomiyaha Guddiga soo xulidda musharaxiinta ayaa la weydiiyey su’aal ku aadaneyd sharuudaha iyo habraacyada guddigooda xulidda ay musharaxiinta Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka kusoo xusheen ayaa sheegay in ka sokoow aqoonta shahaadada heerka sare uu qofka xil dowladeed haya ee xubinnimada guddigan isku soo sharaxaya uu ugu horeyn iska soo casilayo xilka ama shaqada uu ka hayo hay’ad dowladeed.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo iyana furidda imtixaanka kadib saxaafadda kula hadashay xarunta Jaamacadda Umadda ee Imtixaanka lagu qaadayey ayaa sheegtay in ay tani tahay tallaabo taariikhi ah oo guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka si daah furan imtixaanka looga qaadayo, waxaana ay nasiib wacan u rajeysay ka qeybgalayaasha Imtixaanka.

Imtixaankan qoraalka ah ayaa ah tallaabada labaad ee musharaxiinta guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyadoo tallaabadii koobaadna ay aheyd is diiwaan gelinta taasi oo ay isku soo diiwaan geliyeen 302 ruux, iyadoo tallaabada ugu dambeysa ay tahay imtixaanka afka ah.

 

 

Previous Post

Guddiga Doorashooyinka Madaxbannaan oo maanta gaaray magaalada Baydhaba

Next Post

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Next Post
Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In