Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbrashada XFS oo la kulmay xubno ka tirsan hay’adda Turkiga u qaabilsan horumarinta waxbarashada “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbrashada XFS oo la kulmay xubno ka tirsan hay’adda Turkiga u qaabilsan horumarinta waxbarashada “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

September, 11, 2018:- Wasiirka  wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane  Cabdulaahi Godax Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adda  Al-Ma’arif Foundation ee dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha waxbarashada Soomaaliya Mustafa Yilmaz.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa  agaasimaha waaxda dugsiyada dowladda, xubno kale oo ka tirsan  wasaaradda waxbasharada hiddaha iyo tacliinta sare, sidoo kala kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan hay’adda Ma’arif Foundation.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

January 22, 2026
Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

January 22, 2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax Barre  ayaa sharraxaad ka siiyay madaxda hay’adda Al Ma’arif Foundation heerka waxbarashada dalka iyo isbedelka lagu sameeyay manhajka waxbarashada dalka.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa u sheegay  xubnahan  in wasaaradda waxbarashada ay dadaal ugu jirto siddii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada.

“Waxaan,wadnaa howlo aan ku dooneyno in aan kor ugu qaadno waxbarashada dalka iyo siddii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahayeen waxbarasho tayo leh ,waxa aan rajeynayaa  in aad garab nagu siin doontaan’’ ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre  ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga  dadaalada horumarineed ee ay ka wado dalka.

Madaxa hay’adda Ma’arif Foundation ee Soomaaliya  Mustafa Yilmaz ayaa ballan qaaday inay sii laba jibaari doonaan tageerada dhanka waxbarashada ee ay siiyaan ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Xafiiska Hantidhowrka Qaranka oo Sheegay in Hantidhowrku ka madaxbanaan yahay Siyaasadda

Next Post

Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada Ee Arrimaha Bulshada Oo Ka Hadlay Yaraynta Faqriga iyo Horumarinta Waxbarashada

Next Post
Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada Ee Arrimaha Bulshada Oo Ka Hadlay Yaraynta Faqriga iyo Horumarinta Waxbarashada

Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada Ee Arrimaha Bulshada Oo Ka Hadlay Yaraynta Faqriga iyo Horumarinta Waxbarashada

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

January 22, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga Pakistan ayaa...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

January 22, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo ay garab taagan yihiin Ciidamada Amniga Jubbaland, isla markaana kaashanaya...

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo soo afjaray Khawaarijtii weerartay deegaanka Kudhaa.

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo soo afjaray Khawaarijtii weerartay deegaanka Kudhaa.

January 22, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Dowladda Jubbaland ayaa si buuxda u soo afjaray maleeshiyaad ka tirsan...

Wasiirka Dekedaha XFS oo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Is-afgaradka Dekadaha Badweynta Hindiya.

Wasiirka Dekedaha XFS oo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Is-afgaradka Dekadaha Badweynta Hindiya.

January 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mahadcelin u jeediyey Golaha Wasiirrada oo maanta meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In