Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo heshiis la saxiixday dhigiisa dslka Cumaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo heshiis la saxiixday dhigiisa dslka Cumaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed oo booqosho rasmi ah ku jooga saldanadda Cumaan ayaa maanta heshiis is-afagarad la saxiixday dhigiisa Cumaan Mudane Dr. Saud Bin Hamoud Al Habsi, Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa ay labada dhinac ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhoofka Xoolaha, hilibka, kobcinta tayada caafimaadka Xoolaha iyo la dagaalanka cudurada faafa, khibradaha iyo xogaha la xiriira badqabka cuntada, kor u qaadida sugnaanta cuntada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa maalgashiga.

Related posts

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026

Heshiiska is afgarad ee labada Dal ay kala sixiixdeen waxaa uu ku saabsanaa caqabadaha hortaagan ganacsiga Xoolaha, fududeynta maalgashiga labada dhinac ee sector xanaanada xoolaha iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Heshiiskan waxaa looga golleeyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhanka soo dejinta iyo dhoofinta Xoolaha nool ee u dhexeeya labada dal, kobcinta awoodda adeega caafimaadka xoolaha, adeegyada ogaanshaha, hababka karantiilka, hubinta u hoggaansanaanta ku dhaqanka shuruudaha caalamiga ah iyo heerarka dhoofinta xoolaha.

 

Previous Post

Ciidanka Xoogga oo howlgal lagu baacsanayo khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Gedo

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Jarmalka u qaabilsan geeska Afrika

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Jarmalka u qaabilsan geeska Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Jarmalka u qaabilsan geeska Afrika

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan fogaan-arag ah la...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si...

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In