Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka tirsan XFS oo ka qeybgalay shirka saddex biloodlaha ee Hay’adda Socdaalka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiiro ka tirsan XFS oo ka qeybgalay shirka saddex biloodlaha ee Hay’adda Socdaalka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo 3-dii bil mar la qabto ayaa lagu soo bandhigaa waxqabadka hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana ka qeybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, laamaha socdaalka ee ka howlgala dowlad Goboleedyada, Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde, ururka dhallinyarada Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha guud ee hay’ada socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Kornel Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in hay’adda socdaalka lagu qiimeeyo waxqabadka ay qabteen, isagoo bogaadiyay howsha ay hayaan shaqaalaha hay’adda.

Related posts

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda gobolka banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa balanqaaday in maamulka gobolka uu xoojinayo wadashaqeynta kala dhexeysa Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa soo jeediyay in la joogteeyo shirarka noocaan oo kale ah si xal loogu helo caqabadaha ka jira adeegyada Hay’adda socdaalku bixiso.

Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda ayaa bogaadiyay isbadalka ka muuqda shaqada hay’adda, wuxuuna codsaday in la dhiirageliyo shaqaalaha la yimaada shaqa karnimada.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in kan Wasaarad ahaan ay gacan ka geysanayaan daadajinta meel marinta sharciyo ay hay’addu leedahay, kuwaas oo horyaalla Baarlamaanka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax  ayaa dul istaagay muhiimadda ay hay’addu u leedahay dalka.

Tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan lama qaban shirkan oo lagu soo bandhigo waxqabadka iyo qorshaha  hay’adda, waxaana sabab u ahaa saameynta cudurka COVID-19.

Previous Post

IACC’s oversight role in transparent, fair and democratic electoral process in Somalia

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 54 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 54 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(INDIA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalka...

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In