Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Afrika

Wasiiru dowlaha wasaarada maaliyadda Galmudug oo Dhuusomareeb ka furay tababar.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
1 year ago
in Wararka
0
Wasiiru dowlaha wasaarada maaliyadda Galmudug oo Dhuusomareeb ka furay tababar.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru dowlaha wasaarada maaliyadda ee dowlad goboleedka Galmudug, mudane Cabdirisaaq Maxamuud Jaamac ayaa maanta Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ka furey, barnaamijka wacyigelinta iyo tababarka dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka ah ee ka hor tagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maal gelinta argagaxisada oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Warbixinada Maaliyadda ee FRC.

Wakiilo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’addaha dowladda Galmudug iyo bulshada rayidka ayaa ka qeybgalaya barnaamijkaan wacgelinta ah, kaas oo socon doona muddo isbuuc ah.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Galmudug ayaa ah dowlad goboleedkii labaad nasiibka u heshay barnaamijka wacyelinta ah kaas loogu gol leeyahay in sare loogu qaado wacyiga iyo awoodaha wasaaradaha iyo hay’addaha ku shaqada leh hawlaha ka-hortagga lacag dhaqidda & la-dagalanka maalgelinta argagixisada.

Muddada uu socdo barnaamijkan wacyi gelinta iyo tababarka isugu jira ayaa lagu wadaagi doonaa macluuumaadyo muhiim ah oo ay kamid yihiin sharuucda dalka ee la-dagaalanka maal gelinta argagaxisada.

Mudane Cabdirisaaq Maxamuud Jaamac,wasiiru dowlaha maaliyadda Galmudug oo si rasmiga ah u furey tababarka ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay ku faraxsan yihiin barnaamijkan, uuna muhiimad gaar ah u leeyahay maamulka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay fulinta barnaamijkan uu wax weyn katari doona amniga iyo kobaca dhaqaalaha gobolada maamulka Galmudug.

Xarunta Warbixinadda Maaliyadda, ayaa ah xarun u xilsaaran ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada dalka, xarunta ayaa barnaamijkan ugu talo gashay adkeynta xiriirka iyo sare u qaadista qorshayaasha lagula dagaalamyo maalgelinta argagaxisada dalka.

Ugu dambeynti, Wasiiru dowlaha ayaa ka qeybgalayasha barnaamijkan kula dar daaramaya in ay si wanaagsan ugu faa’ideystaan isla markaana u dhabar adeegaan howlaha, istiraatiijiyada iyo hababka looga hortaga loolana dagaalamo gaalgelinta argagixisada, wasaaradda maaliyadda ayaa xarunta FRC ugu mahadceliyey qabashada barnaamijkan muhiimka ah.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in lagu guuleysatay yareynta fakhriga iyo kororka Dhaqaalaha Dalka

Next Post

Xisbulah oo duqeymo la beegsaday hoyga R/wasaaraha Israel & xarumo ciidan

Next Post
Xisbulah oo duqeymo la beegsaday hoyga R/wasaaraha Israel & xarumo ciidan

Xisbulah oo duqeymo la beegsaday hoyga R/wasaaraha Israel & xarumo ciidan

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In