Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarumaha shidaalka Sacuudiga oo mar kale la weeraray

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Xarumaha shidaalka Sacuudiga oo mar kale la weeraray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay weerar loo adeegsaday diyaaradaha drones lagu qaaday xarun shidaal oo ku taala caasimadda Riyadh jimcahan maanta ah, waxaana ka dhashay in uu dab qabsado dhismaha.

Wakaaladda wararka SPA oo soo xiganaysa saraakiisha wasaaradda tamarta ayaa sheegay in weerar subaxnimadii hore ee maanta lagu qaaday warshadda shidaalka uusan geysan dhaawac ama burbur hanti isla markaana uusan saameynin shaqada warshadda.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

“Warshadda sifeynta shidaalka ee Riyadh ayaa lagu weeraray drones waxaana ka dhashay dab inkastoo ugu dambeyn lagu guuleystay in la bakhtiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Sidoo kale, dalalka caalamka ayaa loogu baaqay in ay Sacuudiga ku garab istaagaan la dagaalanka argagaxisada ku soo gardaroonaysa Sacuudiga.

Goor hore oo jimcahan maanta ah, ayaa Xuuthiyiinta Yemen waxay sheegeen in ay drones ku weerareen xarumaha shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco.

Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay weerarka waxayna sheegtay in waxa la beegsaday ay tahay “nabad geliyada iyo xasiloonida saheyda shidaal ee caalamka”.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay shirkadda Aramco ee ku aadan weerarka.

Xuuthiyiinta ayaa todobaadyadii u dambeeyay kordhiyay weerarada ay la beegsanayaan dalka ugu soo saarka badan shidaalka caalamka ee Sacuudi Carabiya.

Afhayeenka kooxda Yaxye Sareeco ayaa sheegay in lix drones ay saaka ku weerareen shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco. Isagoo intaas ku daray  in ay sii wadayaan weerarada noocaan ah.

Isbaheysiga Sacuudiga hogaamiyo ayaa Yemen kula dagaalamaya Xuuthiyiinta tan iyo 2015, dagaaladaas waxaa ku dhintay in ka badan 130,000 oo shacab u badan halka malaayiin kale dani biday in ay ka hayaamaan guriyahooda cabsi darteed.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post

in ka badan 300-arday Soomaali iyo ajaanib iskugu jira oo ka qalin jabisay jaamacadda Clarke ee dalka Uganda (Sawirada)

Next Post
in ka badan 300-arday Soomaali iyo ajaanib iskugu jira oo ka qalin jabisay jaamacadda Clarke ee dalka Uganda (Sawirada)

in ka badan 300-arday Soomaali iyo ajaanib iskugu jira oo ka qalin jabisay jaamacadda Clarke ee dalka Uganda (Sawirada)

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In