Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarumaha shidaalka Sacuudiga oo mar kale la weeraray

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Xarumaha shidaalka Sacuudiga oo mar kale la weeraray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay weerar loo adeegsaday diyaaradaha drones lagu qaaday xarun shidaal oo ku taala caasimadda Riyadh jimcahan maanta ah, waxaana ka dhashay in uu dab qabsado dhismaha.

Wakaaladda wararka SPA oo soo xiganaysa saraakiisha wasaaradda tamarta ayaa sheegay in weerar subaxnimadii hore ee maanta lagu qaaday warshadda shidaalka uusan geysan dhaawac ama burbur hanti isla markaana uusan saameynin shaqada warshadda.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

“Warshadda sifeynta shidaalka ee Riyadh ayaa lagu weeraray drones waxaana ka dhashay dab inkastoo ugu dambeyn lagu guuleystay in la bakhtiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Sidoo kale, dalalka caalamka ayaa loogu baaqay in ay Sacuudiga ku garab istaagaan la dagaalanka argagaxisada ku soo gardaroonaysa Sacuudiga.

Goor hore oo jimcahan maanta ah, ayaa Xuuthiyiinta Yemen waxay sheegeen in ay drones ku weerareen xarumaha shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco.

Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay weerarka waxayna sheegtay in waxa la beegsaday ay tahay “nabad geliyada iyo xasiloonida saheyda shidaal ee caalamka”.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay shirkadda Aramco ee ku aadan weerarka.

Xuuthiyiinta ayaa todobaadyadii u dambeeyay kordhiyay weerarada ay la beegsanayaan dalka ugu soo saarka badan shidaalka caalamka ee Sacuudi Carabiya.

Afhayeenka kooxda Yaxye Sareeco ayaa sheegay in lix drones ay saaka ku weerareen shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco. Isagoo intaas ku daray  in ay sii wadayaan weerarada noocaan ah.

Isbaheysiga Sacuudiga hogaamiyo ayaa Yemen kula dagaalamaya Xuuthiyiinta tan iyo 2015, dagaaladaas waxaa ku dhintay in ka badan 130,000 oo shacab u badan halka malaayiin kale dani biday in ay ka hayaamaan guriyahooda cabsi darteed.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post

in ka badan 300-arday Soomaali iyo ajaanib iskugu jira oo ka qalin jabisay jaamacadda Clarke ee dalka Uganda (Sawirada)

Next Post
in ka badan 300-arday Soomaali iyo ajaanib iskugu jira oo ka qalin jabisay jaamacadda Clarke ee dalka Uganda (Sawirada)

in ka badan 300-arday Soomaali iyo ajaanib iskugu jira oo ka qalin jabisay jaamacadda Clarke ee dalka Uganda (Sawirada)

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In