Xildhinaabada golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda fedeeaalka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga 7-aad kulankiisa 14-aad ay ku yeesheen xarunta villa Hargeysa waxa ay ku ansixiyeen Ansixiyey Hindise-sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimadka Qaranka,
Kulanka ee uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Shiekh Ibraahim Muudeey ayaa ku dhawaaqay codeynta natiijada.
“Waxa Ogalaatay 137 Mudane waxa ka aamustay 1 Waxa Diiday 5 Sidaas ayuu Ku meelmaray Sharcigaan”. ayuu yiri Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey
Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka iyo Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Fowziya Abiikar Nuur ayaa Xildhibaannada Golaha uga mahadceliyay ansixinta Hindise sharciyeedkan oo ku soo aaday xili ay dadka Soomaaliyeed u baahanyihiin.
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim (Muudey) ayaa u sheegay Xildhibaannada Golaha in ay ilaaliyaan wakhtiga oo ay soo xaadiritaan kulamada golaha si aysan kulanka golaha uusan ugu baaqay kooram la’aan.
Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Qareenada Soomaaliyeed, waxaana ugu horeyn Xildhibaannada u faah faahiyay Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar oo ah Xoghayaha Guddiga Cadaaladda, Awqaafta iyo Diinta ee Golaha Shacabka.
Intaasi kaddib qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka dooday qodobada Hindise sharciyeedka Qareenada, iyagoo qodobada qaar ku kala aragti duwanaa.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in ka doodista hindise sharciyeedka qareenada ay soo gaba gabowday, islamarkaana hindise sharciyeedkan lagu wareejin doono guddiga ku shaqada leh si fikradaha iyo doodaha Xildhibaannada ugu soo daraan.