Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka  Kenya oo cambaareeyay xadgudubka Ethiopia kula kacday madax banaanida dhuleed ee JFS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka  Kenya oo cambaareeyay xadgudubka Ethiopia kula kacday madax banaanida dhuleed ee JFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Soomaalida ee laga soo ďoorta Ismaamulka Soomaalida ee dalka Kenya shir ku yeeshay xarunta Baarlamaanka Kenya ee magaalada Nairobi ayaa ku tilmaamay heshiiska Ethiopia ee badda Soomaaliya in uu yahay mid xadgudub ku ah Madax banaanida iyo Qaranimada Soomaaliya, kana dalbaday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Urur Gobolleedka IGAD in talaabo laga qaado Ethiopia haddii aysan ka laaban  heshiiska..

Xildhibaan Faarax Macalin ayaa sheegay in talaabada ay qaaday dowladda Ethiopia uu yahay mid baal marsan qawaaniinta Caalamiga ah, isla markaana looga baahanyahay Ethiopia inay ka laabato heshiiska.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026

“Waxaan cambaareyneynaa oo aan ka dhiidhineynaa xadgudubka ay Ethiopia ku sameynayso Qaranimada Soomaaliya, Mala aqbali karo in wadan uu iska sheegto inuu wadan kale dhulkiisa uu qeyb ka  leeyahay,  Somaliand waa qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaa darteed heshiiska waxa uu xadgudub ku yahay Qaranimada Soomaaliya, Midowga Afrika Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha kale ee  Caalamiga ah waxaa ugu baaqaynaa inay si degdeg ah uga hortegto damaca Ethiopia ee dhulka Soomaalida”. Ayuu yiri Xildhibaan Faarax.

Dr Aadan Keynaan oo ah Guddoomiyaha Xildhibaannada Waqooyiga Kenya ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay xilligan ku talaabsatay horumar la taaban karo, isla markaana aan la aqbali karin in lagu xadgudbo Madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

“Waxaan ka soo horjeeednaa in lagu xad gudbo dal Madax banaan, Ma dooneyno wax wada jirka iyo aqoonsiga Soomaaliya wax u dhimaya, Madaxweynaha Kenya William Ruto waxaan ka codsanaynaa inuu shir degdeg ah isugu yeero  dhamaan xubnaha Urur Gobolleedka IGAD, Isla-markaana ajandaha laga dhigo sidii looga hadli lahaa xaaladda gobalka ku soo korortay”.ayuu yiri Xildhibaan Dr Keynaan.

Xildhibaan Saalax Yacquub ayaa xusay in ujeedka kulankooda uu ahaa sidii ay u muujin lahaayeen inay ka soo horjeedaan damaca Ethiopia.

“Heshiiska been beenta ah way ku qaldantahay Ethiopia, waxaan codsanaynaa in digniin loo diro Ethiopia, isla markaana waa inay ixtiiraamtaa qawaaniinta Caalamiga ah iyo Qaranimada Soomaaliya”. Ayuu yiri Xildhibaan Saalax yacquub oo hadalkiisa ku daray  “Arrintan waxa ay fursad siineynsaa argagaxisada waana mid dhibaato ku ah guud ahaan Gobalka,  haddii aysan Ethiopia ka laaban heshiiska”.



Previous Post

Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka soo horjeestay faragalinta madax-bannaanida Soomaaliya

Next Post

Suudaan oo taageertay go’aanka Dowladda Soomaaliya

Next Post
Suudaan oo taageertay go’aanka Dowladda Soomaaliya

Suudaan oo taageertay go'aanka Dowladda Soomaaliya

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

February 2, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir,...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

February 2, 2026
0

Magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In