Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukun dil ah oo lagu fuliyay Dhagar qabe Baydhabo ku dilay sheekh caan ah.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Xukun dil ah oo lagu fuliyay Dhagar qabe Baydhabo ku dilay sheekh caan ah.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa saaka Xukun dil ah ku fulisay Dhagar Qabe ka tirsanaa Maleeshiyaadka Alshabaab kaasi oo horey dil uga geystay magaalada Baydhabo ee xarunta KGM ee Koonfur Galbeed.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Dhagar qabaha dilka lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Boorow,kaasi oo Masjid kuyaala magaalada Baydhabo ku dilay Sheekh Madeer Madgaab oo ka mid ahaa culimaa’udiinka caanka ka ahaa magaaladaasi Baydhabo.

Goobta xukunka dilka ah uu ka dhacay waxaa ku sugnaa guddoomiyaha Maxakamadda Darajada Kowaad ee Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo guddoomiyhaha maxakamadda Sare ee ciidanka Qalabka sida Liibaan Cali Yarow.

Muumin Xuseen C/llaahi oo ka socda Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa ka hadlay xukunkaasi dilka ah oo maanta ay fuliyeen.

“Shabaab Maxamed Aadan Cali(Boorow) 24 jir ah ina Khadiijo Macalin Maxamed ku dhashey Bokool waxaa xafiiska xeer ilaalinta ku soo eedeyey in isagoo ka tirsan Alshabaab uu Masjidka Sheekh Aadan War-iisha, ku dilay Marxuum Sheekh Madeer Madgaab Caliyow,taariikhu markay ahayd 16/6/2017,dilkaasi oo ka dhacay degmadan Baydhabo,taariikhdu markay ahayd 21/6/2017 waxay maxakamaddu ku xukuntay dil toogasho,racfaan ayuu ka qaatay xukunkaasi,5/7/2017 Maxakamadda ciidanka qalabka sida waxaa ay markale u fariisatay dacwadiisa waxaana lagu xukumay dil toogasho ah,maadaama ay ku cadaatay in  uu dil barer ah uu u geystay marxuum Sheekh Madeer Madgaab Caliyow,maanta oo taariikhu ay tahay 29/12/2018 waxaa lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa,Wabilaahi Towfiiq”. Ayuu yiri Muumin Xuseen C/llaahi.

Previous Post

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo xarigga ka jaray Xafiiska Soomaaliya ee Hay”adda Mercy Corps

Next Post

Golaha Shacabka oo kulan ka yeelanaya maanta Miisaaniyadda Dowaladda ee 2019-ka

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka dooday ku noqoshada misaaniyadda dowladda 2018-ka “SAWIRRO”

Golaha Shacabka oo kulan ka yeelanaya maanta Miisaaniyadda Dowaladda ee 2019-ka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In