Munaasabadan lagu xusayey maalinta Aragga Adduunka oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Uruka Indhoolayaasha Soomaaliyeed ee SABA iyo Uruka Dhaqaatiirta Indhaha waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta ururadaasi, xubno matalayey ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, saraakiil katirsan Booliska Soomaaliya iyo qaar kamid ah dadka araga naafada ka ah oo ay ka mid ahaayeen ardayda dugsiga Indhoolayaasha ee Al-nuur.
Mas’uuliyiinta ka hadlay munaasabadda oo ay ka mid ahaayeen dhaqaatiir iyo xubno kale oo araga naafo ka ah ayaa ka sheekeeyey ahmiyadda maalintan ay u leedahay adduunka oo dhan, gaar ahaana dadka araga naafada ka ah ee Soomaaliyeed
“Maalintaan qiimo weyn ayey ku leedahay dunida inteeda kale, waxaa la socota oo la xusaa maalinta Usha Cad oo iyadana muujineysa kaalinta dadka araga la’”
Generaal Maxamed Yuusuf Madaale oo kamid ah saraakiisha ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in Booliska mar waliba ay garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee aragga la’.
“Booliska waxa uu mar walba la shaqeeyaa bulshada, dadka indhoolayaasha ahna bulshada aan la shaqeyno ayey kamid yihiin”ayuu yiri Jeneraal Madaale.
Guddoomiyaha Uruka Indhoolayaasha Soomaaliyeed Macalin Ibraahim Cabdullaahi Maxamuud ayaa muujiyey in ay jiraan caqabado mararka qaar ay la kulmaan dadka aragga la’ sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in la dhiiro geliyo dadkaasi.
“Caqabada dadka ay la kulmaan waxaa kamid ah in wadayaasha gaadiidka qaarkood aaney fahansaneyn Usha cad iyo micnaheeda”ayuu yiri Macalin Ibraahim.
Dr C/samad guddoomiyaha Uruka Dhaqaatiirta Indhaha iyo Dr Cali Baashi Cumar Rooraaye oo gaba gabadii munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay garab taaganyihiin dadka aragga la’ ee Soomaaliyeed oo door weyn ku leh bulshada inteeda kale.