Kulankaan oo ahaa mid Balaaran ula jeedkiisuna ahaa ka Hadalka Dhismaha Wadada Xeebta Marta Ee isku Xirta Muqdisho iyo Degmada Hobyo Ee Gobolka Mudug ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho Waxaana ka qayb galay Xildhibaano .Siyaasiyiin.Salaadiin .iyo Marti sharaf kale oo isugu jira qaybaha Bulshada.
Kulankaas ayaa Waxaa ka Hadlay Mas,uuliyiin kala Duwan oo dhamaantood ka mideysnaa in Dhibaato ka jirto Xirnanshaha Wadadaas oo isku xirta Dhul Muhiim ah Gawaari aan ahayn Gaariga TM ka Soomalaidu u taqaana uusan Mari Karin Waxaana ay Soomaali weyn ugu baaqeen in ay ka wada qayb qaataan Wadadaas Dhismaheeda.
Imaam Maxamed Yuusuf Cumar ayaa ka mid ahaa Dhaqanka ka hadlay Kulankaan waxaana uu ku Baaqay in aan arintaas look ala harin.Ismaaciil Macalin Muuse Gudoomiyaha Gudiga Dib u Heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed oo isna ka mid aha Mas,uuliyiinta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Somalia hadii ay u istaagto in ay Wax Qabsato ay waqti yar ku qadan karto iskuna filan tahay isagoo soo jeediyay in laga wada qayb qaato Dhismaha Wadadaas.
Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka mid ahaa Mas,uuliyiinta ka qayb gashay Kulankaan Waxa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig.Xildhibaan Cumar maxamed Maxamuud {Finish} iyo Xildhibaan Shiiraar Dhamaantood waxaa ay isku raaceen in ay Bilaabayaan Tabarucaada Dhismaha wadada.
Cali Maxamed Geedi Ra,iisul Wasaarhii Hore Ee Somalia oo ka hadlay Kulankaan looga hadlayay Dhismaha Wadada Xeebta ah ayaa waxaa uu ku tilmaamay Talaabadaan looga tashanayo Dhismaha Wadadaan Muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed mid muujineysa isku duubnida Dadka Soomaaliyeed iyo sida ay uga Go.antahay in ay Dalkooda Dhistaan iyagoo aan Cid kale Gacan ka sugin.
Cali Geedi ayaa waxaa uu ugu Baaqay Bulshada Soomaaliyeed Dalka iyo Dibada Meel kasta oo ay Joogaan in ay u istaagaan ka qayb qaadashada Howshaan isla markaana ay ku taageeraan Xoog iyo Hanti intaba Maadaama ay tahay Howl Qaran.