Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu taageerayay waxqabadka dowladda Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu taageerayay waxqabadka dowladda Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu taageerayay mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Turkiga ka hirgelisay magaalada Muqdisho, laguna soo dhaweynayay booqashii taariikhiga ahayd ee uu shalay dalka ku yimid Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga, xubno ka socday hay’adaha samafalka ee Turkiga iyo qeybaha bulshada ayaa xalay lagu qabtay xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Gobolka benaadir ayaa faniin Soomaaliyeed oo ka qeyb galay ay goobta ku soo bandhigeen suugaan ka hadleysa waxqabadka dowladda Turkiga ay ka sameeyeen dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ugu horeyn xafladda hadal ka jeediyay ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed aysan ilaabo doonin taageerada iyo garab istaaga ay u sameysay dowladda Turkiga.

“Walaalaha Turkiga waxqabad muuqdo ayay dalka ka fuliyeen, runtii shacabka Soomaaliyeed ma iloobi doonaan abaalka ay noo galeen Walaalaha Turkiga” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda bisha cas ee dalka Turkiga Nihat Adiguzel oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerada ay u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed, taasi oo qeyb ka ah xoojinta xiriirka labada dal.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Turkiga uu ku yimid dalka ay tahay mid taariikhi ah oo ka turjumeysa Walaaltinimada ka dhexeysa labada dal.

“Waxaan jeclahay in aan aad uga mahadceliyo Guddoomiyaha Gobolka qabsoomidda xafladan, tan kale maanta waxaa qormay taariikh kale oo horleh, Walaalaha Turkiga waxbadan ayay noo qabteen, waana u mahadcelineynaa” ayuu Wasiir Goodax hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

_MG_2553

_MG_2563

_MG_2569

_MG_2572

_MG_2573

_MG_2585

_MG_2590

_MG_2591

_MG_2595

_MG_2603

_MG_2606
SAWIR QAADE: JABIIBA

Previous Post

Musharax Maxamed Cilmi Mideeye oo lagu soo dhaweeyay Cadaado “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Xasan “Xiriirka Walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Turkiga waa mid soo jireen ah”

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Wafdiga Madaxweynaha Turkiga sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Madaxweyne Xasan “Xiriirka Walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Turkiga waa mid soo jireen ah”

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In