Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu taageerayay waxqabadka dowladda Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu taageerayay waxqabadka dowladda Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu taageerayay mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Turkiga ka hirgelisay magaalada Muqdisho, laguna soo dhaweynayay booqashii taariikhiga ahayd ee uu shalay dalka ku yimid Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga, xubno ka socday hay’adaha samafalka ee Turkiga iyo qeybaha bulshada ayaa xalay lagu qabtay xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Gobolka benaadir ayaa faniin Soomaaliyeed oo ka qeyb galay ay goobta ku soo bandhigeen suugaan ka hadleysa waxqabadka dowladda Turkiga ay ka sameeyeen dalka.

Related posts

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ugu horeyn xafladda hadal ka jeediyay ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed aysan ilaabo doonin taageerada iyo garab istaaga ay u sameysay dowladda Turkiga.

“Walaalaha Turkiga waxqabad muuqdo ayay dalka ka fuliyeen, runtii shacabka Soomaaliyeed ma iloobi doonaan abaalka ay noo galeen Walaalaha Turkiga” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda bisha cas ee dalka Turkiga Nihat Adiguzel oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerada ay u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed, taasi oo qeyb ka ah xoojinta xiriirka labada dal.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Turkiga uu ku yimid dalka ay tahay mid taariikhi ah oo ka turjumeysa Walaaltinimada ka dhexeysa labada dal.

“Waxaan jeclahay in aan aad uga mahadceliyo Guddoomiyaha Gobolka qabsoomidda xafladan, tan kale maanta waxaa qormay taariikh kale oo horleh, Walaalaha Turkiga waxbadan ayay noo qabteen, waana u mahadcelineynaa” ayuu Wasiir Goodax hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

_MG_2553

_MG_2563

_MG_2569

_MG_2572

_MG_2573

_MG_2585

_MG_2590

_MG_2591

_MG_2595

_MG_2603

_MG_2606
SAWIR QAADE: JABIIBA

Previous Post

Musharax Maxamed Cilmi Mideeye oo lagu soo dhaweeyay Cadaado “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Xasan “Xiriirka Walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Turkiga waa mid soo jireen ah”

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Wafdiga Madaxweynaha Turkiga sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Madaxweyne Xasan “Xiriirka Walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Turkiga waa mid soo jireen ah”

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo...

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

September 15, 2026
0

‎Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar u...

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

September 15, 2026
0

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee BJFS, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In